Isku day afgembi oo ka dhacay gobolka Amxaarada Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Warbaahinta Itoobiya ayaa ku warameysa in maanta oo Sabti ah gobolka Amxaarada uu ka dhacay isku day in-qilaab oo la doonayey in lagu rido hogaanka gobolkaasi.

Negussu Tilahun, xoghayaha dhanka warfaafinta ee xafiiska ra'iisul wasaare Abiy Axmed, ayaa talafishinka ku hadla afka dowladda u sheegay in isku dayga uu fashilmay, xaaladuna xasiloon tahay haatan.

Saxaafada maxaliga ah ayaa tabineysa in rasaas laga maqley gudaha magaaladda caasimada ah ee Bahir Dar isla markaana ay jiraan waxyeelo dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay.

Madaxweynaha gobolka Amxaarada waxaa waqti xaadirkaan uu yahay Ambachew Mekonnen, kaasi oo haysta shahaahada PhD-ga, kana mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan is-maamulkaasi.

War-fidiyeenka dowladda Itoobiya ayaa baahisay in ammaanka mas'uuliyiinta heer gobol iyo mid federaal ee halkaasi ku sugnaa la xaqiijiyey isla markaana amniga haatan uu sugan yahay.

Sidda laga soo xigtay muuqaal-baahiyaha afka xukuumada Addis Ababa ku hadla, waxaa xabsi loo taxaabey shaqsiyaad la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen isku dayga afgambi.

Ambachew Mekonnin ayaa jagada madaxweynaha gobolka Amxaarada loo magacaabey bishii Maarso ee sanadkan 2019.

Gobolka Amxaarada ayaa waxa uu mid kamida sagaalka qowmiyadood ee ay u qeyb-san tahay Itoobiya, waxaana dadka halkaasi ku dhaqan lagu sheegaa in tiradoodu ay gaareyso 31.13 milyan oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM