Isqabqabsi ka taagan goobta lagu aasayo Robert Mugabe

Image

HARARE, Zimbabwe – Saxaafadda maxaliga ah ayaa ku warameysa in uu isqabqabsi ka taagan yahay meesha lagu aasayo madaxweynihii hore ee Zimbabwe, Robert Mugabe, kaasi oo todobaadkii hore dhintay.

Qaraabadda Mugabe ayaa u sheegay warbaahinta in kahor inta aysan nafta ka bixin uu codsadey in lagu xabaalo tuulada uu ku dhashay kuna soo barbaaray waqti badanna kusoo qaatay ee lagu magacaabo Zvimba.

Balse dowladda ayaa waxay dooneysaa in lagu aaso magaaladda caasimadda ah ee Harare gaar ahaan qubuuraha loogu talogalay in lagu duugo shaqsiyaadka u soo halgamay dalkaasi ee loo yaqaano halyeeyo.

Ehelke ayaa sababta uu Mugabe u codsadey in degaankiisa lagu duugo waxay ku qeexeen cilaaqaadka kala dhaxeeyay madaxweyne Emmerson Mnangagwa oo ahaa mid aanan aad u wanaagsaneyn.

Xiriirkooda ayaa wuxuu xumaadey ka gedaal markii Mnangagwa iyo saraakiil kale ay Mugabe ku cadaadiyeen in uu xafiiska baneeyo bishii November ee 2017-kii, xiligaasi oo ay u adeegsadeen awood ciidan.

Taasi ayaa soo afjartay ku dhowaad 30-sano oo uu Mugabe ka talinayey Madaxtooyadda iyo yoolkiisa ku aadanaa in uu madaxweyne sii ahaado illaa iyo ay da’diisa ka noqoneyso 100-sano jir maadaama uu 95-jir ku geeriyoodey.

Qoyska iyo xukuumadda ayaa waxaa haatan u socda wada hadaladda ku aadan arrintan, iyadda oo warbixino soo baxaya ay tibaaxayaan in reerku ku adkeysaneyo in aysan baalmari kari dalabka marxuumka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM