Israel oo shaacisay dalka ay kursiga UN-ka ku taageereyso Jabuuti-Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Yahuuda ayaa si rasmi ah waxay ugu dhawaaqday dalka ay taageereyso – midkood Jabuuti ama Kenya – coddeynta kursiga aan joogtada ahayn ee ururka Qaramada Midoobay.

Danjiraha Israel u fadhiya Nairobi, Joseph Oded, oo warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu tibaaxay in ay codkooda ugu shubi doonan dowladda Kenya.

Isaga oo sharaxaad ka bixinaya sababta waxa uu ku qeexay in ay door weyn kaga jirto dedaalada nabadda iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisadda.

Hadlakan ayuu sheegay kadib markii uu la kulmay madaxweyne ku xigeenka, William Ruto, kaasoo ay kawada xaajoodeen xaaladda gobolka.

"Israel waxay si rasmi ah ugu taageereysaa Kenya dalabkeeda xubinimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka UN," ayuu raaciyey.

Ruto oo ka mahadceliyay taageeradda ayaa wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in dalkiisa uu kusoo bixi doono kursigan aadka muhiimka u ah.

"Dagaalka argagixisadda Soomaaliya iyo Geeska Afrika waa khatar caalami ah oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho," ayuu ku daray.

Isniintii ayay ahayd markii Algeria ay balanqaaday in ay Kenya ku taageeri doonto dalabkeeda kursiga aan joogtada ahayn ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Kenya oo ku guuleysatay murashaxnimada bariga Afrika ayaa heshay 37 cod, halka Jabuuti la siiyey 13. Coddeynta ugu dambeysay waxay qabsoomi doontaa bisha June ee sanadka dambe 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM