Itoobiya: 35 ku dhimatay rabshado ka dhacay gobol doonaya is-maamul

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ugu yaraan 35 ruux ayaa ku geeriyootay markii ay isku dhaceen ciidamada amniga Itoobiya iyo dad ku sugan koonfurta dalkaasi.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegaya in xoogaga dowladda ay rasaas ooda uga qaadeen dibad-baxayaal ku mudaaharaadaya guud ahaan is-maamulka Sidama.

Shaqsiyaadka u dhaqaaqa qowmiyadda Sidama ayaa waxay ku dhawaaqeen maamul goboleed ka tirsan federaalka Itoobiya, Khamiistii lasoo dhaafay.

Xubnahaasi ayaa ku eedeeyay dowladda in ay ku guuldareystay qabashada Afti ay u balanqaadey oo ku aadan qadiyadaasi.

Xaaladda ayaa lasoo sheegayaa in ay wali tahay mid kacsan, isla markaana ciidamada ay adeegsanayaa awood si ay u kala fir-dhiyaa dadka.

Sidama waa qowmiyadda Shanaad ugu balaaran waddankan ku yaala Geeska qaaradda Afrika, waxaana ay dadka wadankaasi ka yihiin boqolkiiba 4 - 4%.

Qowmiyadaha kale ee ka jira Itoobiya oo kala ah; Oromada, Soomaalida, Canfarta iyo Tigreyga oo ah kuwa ugu waaweyn ayaa leh dowlad goboleed.

Itoobiya ayaa haysata nidaam federaal ah oo ku saleysan qowmiyaddo, waxaana ka sheegaa in dhinacyadda laga tirada badan yahay aysan helin xuquuq badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM