Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta oo xoojinaya iskaashiga milatari

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Taliyeyaasha ciidamada Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, Adem Mohammed iyo Hamad Mohammed Thani Al Rumaithi, ayaa yeeshay wada hadalo miro dhal ah.

Labadda sarkaal ayaa kulankooda waxaa diiradda lagu saarey xoojinta iskaashiga dhanka milatariga oo ay yeeshaan dowladahan ah, sidda ay baahisay wakaaladda wararka ee xukuumada Abu Dubai.

"Dhinacyadda waxay kaloo is-dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan arrimo kala duwan oo danaha guud ah," ayay raacisay.

Al Rumaithi ayaa laga soo xigtay "booqashadeyda labadda maalmood waxaan horumar ka sameynay iskaashiga milatariga". Jeneraalka waxaa socdaalka ku wehliyay xubno sarre oo muhiim ah.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka u faafisa Addis Ababa ayaa qortay in xiriirka Itoobiya iyo Imaaraadka uu ku socda si xowli ah.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa bishii Maaj tegay Abu Dhabi, halkaasi oo uu kula soo kulmay Sheikh Mohamed bin Zayed, dhaxal-sugaha Imaaraadka ahna taliye ku xigeenka ciidanka.

Dhinacyadda, oo muddo saacado ah uu qaatay shir gaar ah oo ay yeesheen, ayaa xiligaasi waxay isla meel-dhigeen karaar-siinta iskaashigooda dhinacyo kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM