Itoobiya iyo Jabhada ONLF oo wadahadal uga furmey dalka Eritrea
ASMARA - Wafdi ka socda dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF ayaa waxaa wadahadal lagu gorfeynayo qaababka uu noqon karo heshiis labada dhinac dhexmara uga furmey magaalo madaxda Eritrea ee Asmara halkaas oo xarun u ah Jabhada Xoreynta Ogaadeeniya. sidaas waxaa bartiisa Twitter ku sheegey Wsaiirka Warfaafinta dalka Eritrea.
Wafdiga ka yimid Itoobiya ayaa waxaa hogaaminayey gudoomiyaha xisbi xaakimka dowlad degaanka Soomaalida islamarkaana ah Wasiirka Isgaarsiinta Axmad Shide halka dhinaca Jabhada xubnaha ka socda uu horkacayey Admiral Maxamad Cumar.
Wafdigaan ayaa sidoo kale waxaa kamid ah Madaxweynaha cusub ee maamulka dowlad degaanka Itoobiya Mustafe Cumar Cagjar iyo xubno kale ee ka tirsan xukuumadiisa.
Hadalk kooban oo kasoo baxay Jabhada ONLF kulankaan kadib ayaa lagu sheegey in lagu gaarey is-fahan guud si hore loogu sii socdo iyadoo dhamaan la isla-dhameystiri doono qodobada laga wadahadlay.
Kulanka labada dhinaca ayaa imaanaya maalmo ka-hor Jabhada ONLF sheegetey iney ka raadineyso iwadahadalka ay la yeelneyso dowlada Itoobiyo iney kasoo baxdo codbixin loo qaado dadka dagan Ismaamulka Soomaalida itoobiya si ay u helaan madax banaani u gaar ah..
Mowqifka Jabahada ee ku aadan dalabkooda ayaa laga baqayaa in caqabad ku noqdo qorshaha la rabo in gobolka Soomaalida Itoobiya looga soo saaro Gaaska dabiiciga ah ee dhulka hoostiisa ku jira kaasoo lagu qiyaasey aduun gaaraya 7 billion ee dollar.
Gaaska dabiiciga ah ee ku jira dhulka Soomaalida Itoobiya oo lagu qiyaasey in cadadkiisu gaarayo 8 trillion Cubic Feet ayaa la qorsheynayaa in dhoofintiisu bilaabto sanadka 2021 iyadoo la marinaya tuubooyin geynaya dalka Jabuuti, waxaana soo saaristiisa ku lug leh shirkad Chines ah oo la yiraahdo China Poly Group Corp.
"Waxaan u baahanahay madax banaani gaar ah oo shuruucda caalamiga aqoonsan tahay kaas oo ku qoran Dastuurka Itoobiya," sidaas waxaa sheegey Axmed Yaasiin Cabdi oo Jabhadaan u qaabislan arimaha dibada. "Waxaan rabnaa in dadkayagu xaq u leeyihiin iney go'aansadaan." waxaa uu yiri anigu wax shuruud ah ku xiri mayno wadahadka. Madaxweynaha cusub waxaa uu balan qaadey in la helayo madax banaani balaaran.
GAROWE ONLINE