Itoobiya iyo Jabuuti oo gaarey is-faham dhanka ciidamada

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Qaranka ee Itoobiya General Berhanu Jula ayaa la kulmay dhigiisa Jabuuti General Zekaria, sida ay warisay warbaahinta dowladda.

Sida ku xusan warbixinta ay warisay shabakadda FANA ee ku hadasha afka Addis Ababa, saraakiisha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya ciidamada difaaca ee labada dal.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay hoosta ka xariiqeen in dowladahooda ay doonayaan in ay wadaagaan sheekooyinka guulaha ah ee ay wadagaaan labadda shacab iyo xukuumadba.

Si lamid ah, waxay isla adkeeyeen ahmiyadda ay leedahay in labadda dowladood ay iska kaashadaan sidii loo horumarin lahaa xiriirka dhanka dhaqaalaha ciidamadda

Jeneraaladda waxay ku baaqeen in la abuuro barxado iyo farsamooyin wanaagsan oo lagu wadaago macluumaadka iyo khibradda iyo sidoo kale in lagu sii wado tababar wadajir ah.

Taliyeyaasha waxay ka wada tashadeen qaababka kor loogu qaadi lahaa wadashaqeynta si wadada Ethiopia-Djibouti looga dhigo aag nabdoon oo ka caagan falalka liddiga ku ah xasiloonida gobolka.

"Waxay ku heshiiyeen in lasii wado shirarka iskaashiga difaaca ee sanadlaha ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta ay faafisay wakaaladda wararka ee dowladda Itoobiya.

Is-fahamkan dhanka ciidamadda ah ayaa kusoo aadaya xilli Itoobiya ay wajaheyso culeys iyo khataro dhanka ammaanka ah oo kaga imaanaya Masar iyo Suudaan kuwaasoo ay isku hayaan webiga Nile.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM