Itoobiya iyo Jabuuti oo gaarey is-faham dhanka ciidamada

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Qaranka ee Itoobiya General Berhanu Jula ayaa la kulmay dhigiisa Jabuuti General Zekaria, sida ay warisay warbaahinta dowladda.

Sida ku xusan warbixinta ay warisay shabakadda FANA ee ku hadasha afka Addis Ababa, saraakiisha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya ciidamada difaaca ee labada dal.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay hoosta ka xariiqeen in dowladahooda ay doonayaan in ay wadaagaan sheekooyinka guulaha ah ee ay wadagaaan labadda shacab iyo xukuumadba.

Si lamid ah, waxay isla adkeeyeen ahmiyadda ay leedahay in labadda dowladood ay iska kaashadaan sidii loo horumarin lahaa xiriirka dhanka dhaqaalaha ciidamadda

Jeneraaladda waxay ku baaqeen in la abuuro barxado iyo farsamooyin wanaagsan oo lagu wadaago macluumaadka iyo khibradda iyo sidoo kale in lagu sii wado tababar wadajir ah.

Taliyeyaasha waxay ka wada tashadeen qaababka kor loogu qaadi lahaa wadashaqeynta si wadada Ethiopia-Djibouti looga dhigo aag nabdoon oo ka caagan falalka liddiga ku ah xasiloonida gobolka.

"Waxay ku heshiiyeen in lasii wado shirarka iskaashiga difaaca ee sanadlaha ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta ay faafisay wakaaladda wararka ee dowladda Itoobiya.

Is-fahamkan dhanka ciidamadda ah ayaa kusoo aadaya xilli Itoobiya ay wajaheyso culeys iyo khataro dhanka ammaanka ah oo kaga imaanaya Masar iyo Suudaan kuwaasoo ay isku hayaan webiga Nile.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM