Itoobiya iyo TPLF oo shaaciyey mowqifkooda shir lagu casuumay

Image
Wadahaladan nabadeed ayaa waxaa hogaaminaya ururka Midowga Afrika ee xaruntiisu tahay magaalada Addis Ababa.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Itoobiya iyo fallaagada gobolka Tigray ee dalkaas ayaa sheegay inay aqbaleen casuumaad uu Midowga Afrika u fidiyay si ay uga qaybgalaan wadahadallada nabadda ee Koonfur Afrika.

Midowga Afrika (AU) ayaa ku casuumay dhinacyada iska soo horjeeda wada xaajood lagu soo afjarayo colaad laba sano jirtey oo galaaftay nolosha kumannaan qof oo rayid ah, malaayiin kalena ay xididada u siibeen.

Labada dhinacba waxay hore u sheegeen inay diyaar u yihiin inay ka qaybgalaan wada-hadallada ay dhexdhexaadinayso Midowga Afrika, balse dagaal xooggan ayaa weli ka socda guud ahaan Tigray, oo ah gobolka waqooyi ee xuduudda la leh Eritrea.

Gobolkan ay ku nool yihiin lix milyan oo qof ayaa waxaa soo wajahday cunto yari, shidaal, dawooyin iyo sahay kale oo degdeg ah, iyadoo barnaamijka Qaramada Midoobay ee cuntada ay ka digtay nafaqo-xumada sii kordhaysa xitaa ka hor inta uusan dagaalladii ugu dambeeyay joojin gargaarka.

Wadahadallada uu hoggaaminayo guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo lagu wado in la qabto dhammaadka usbuucan ayaa noqon doona wada xaajoodkii ugu horreeyay ee rasmi ah oo dhexmara labada dhinac tan iyo markii uu dagaalku qarxay Noofambar 2020.

Xukuumadda Abiy ayaa ku eedaysay kooxda TPLF, oo gacanta ku haysay isbahaysiga talada hayay ee Itoobiya ilaa Abiy uu xukunka qabtay 2018, inay isku dayayeen inay dib u soo celiyaan xukunka Tigrayga oo ah waddanka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Kooxda TPLF ayaa Abiy ku eedaysay in uu awood xad dhaaf ah u sameeyay isla markaana uu cabudhinayo qoomiyada Tigreega. Labaduba way iska fogeeyeen eedaymaha midba midka kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM