Itoobiya: Madaxweynaha DDS oo xilka loo dhaariyey, xasaanadana ka qaadey

Image

JIGJIGA (GO) - Kadib markii maanta oo Axad ah uu gaarey Magaaladda Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida xubinta ka ah dowladda Federaalka ah ee Itoobiya halkaasoo si wayn loogu soo dhaweeyay ayaa Madaxwayne Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar] uu hor-tegay xarunta Baarlamaanka degaanka.

Cagjar ayaa waxa uu waydiistay xubnaha sharci dejinta ee dowlad degaanka inay siiyaan codka kalsoonida, isaga oo usoo bandhigay barnaamijkiisa siyaasadeed ee uu doonayo inuu ku hogaamiyo gobolka inta laga gaarayo doorashadda guud oo loo madalsan yahay sanadka 2020.

Waxa uu ka dhawaajiyay inuu wax badan ka qaban doono dhinacyadda ammaanka, siyaasadda, xaalada bani’aadanimada ee gobolka oo uu sheegay inay gaartay meeshii ugu liidatay, dib u heshiisiinta iyo waliba inuu degaanka gaarsiinayo doorasho xor ah.

Mudanayaasha Baarlamaanka dowlad degaanka ayaa cod gacan-taag ah waxay si wada ogol ah ku meel-mariyeen Madaxwaynaha cusub inuu xilka ugu sareeya gobolka Soomaali Galbeed uu hayo inta laga gaarayo doorashada 2020, taasoo la filayo inay ku tartamaan xisbiyo kala duwan.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar] loo doortey Madaxwaynaha cusub ee degaanka Soomaalida ee ka tirsan Itoobiya, taasoo ka dambeysay kacdoon ka dhan ahaa maamulkii ka horeeyay ee Cabdi Illay oo xilka iska casilay bishii hore.

Dhinaca kale waxaa Barlamanka maamulkaas xasaanada ka qaadey Madaxweynahii hore DDS iyo Lix xildhibaan oo kale taasoo wadada u xaareysa in wax laga waydiiyo xafgudbyo la xiriira xuquuqul Insaanka.

Todobada Xildhibaan oo lumiyey xasaanada ayaa waxaa kamid ah Cabdi Maxamad Cumar, Madaxweynihii hore, Raxmo Haybe, Cabdi Jamal Axmad, Ibraahim Adan Sacab, Deq A. Buraale ‘ Labo Go’le iyo Duqa magaalada Jigjiga Cumar Maxamad Rooti.

Madaxweynihii hore ee DDS Itoobiya Cabdi Maxamad Omar ayaa inta uu xafiiska joogey maamul u sameeyey 22 magaalo, gole degaan tasoo tirada magaalooyinka leh golayashaan ka dhigtey 28, waxaa kale uu abuurey 99 degmo oo ka dhigta tirada degmooyinka maamulkaan 192.

Talabadaan ayaa muran abuurtey ah in degmooyin uu siiyey Madaxweynihii hore ee maamulkaas tuulooyin aan gaarin heer degmo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM