Mustafa oo magacaabay Wasiirro & Baarlamaanka oo ansixiyay

Image

JIGJIGA - Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafa Maxamed Cumar ayaa magacaabay Golle Wasiirro oo cusub, kuwaasoo ka kooban 27 xubnood.

Baarlamaanka DDSI ayaa kulan ay ku yeesheen xaruntiisa Jigjiga maanta ku ansixiyay Xukuumadda Madaxweyne Mustafa, oo kulanka goobjoog ahaa, isagoo uga mahadceliyay Xildhibaanada ansixinta.

Waxaa sidoo kale Xildhibaanada ay codka kalsoonida siiyeen Hanti-dhowrka cusub ee DDSI, oo loo magacaabo Ismaaciil Axmed iyo mas’uul kale oo loo magacaabay arrimaha bartool iyo macdanta.

Waxaa lagu tilmaamay kulankii Baarlamaanka maanta mid ka duwan kuwii hore, waxaana Xildhibaanada xalay loogu diray fariimo Taleefoonadooda, oo lagu wargeliyay inay kasoo qeyb-galaan kulanka ansixinta.

Xaaladda deganaansho oo dhanka amniga iyo siyaasadda ayaa kusoo laabatay degaanada Ismaamulka Soomaalida, wixii ka dambeeyay markii Mustafa loo doortay Madaxweynaha bishii lasoo dhaafay.

Madaxweyne Mustafa oo mudo dheer lasoo shaqeeyay hay’adaha samafalka, gaar ahaan Qaramada Midoobey ayaa la yimid isbedel ay si weyn usoo dhaweeyeen shacabka DDSI iyo Jabhadda ONLF.

Lama oga in xubanah Gollaha Wasiirada cusub ay kamid yihiin ONLF, oo dhawaan shaaciyay inay taageersan tahay isbedelka dhacay, iyadoo ogolaatay inay wadahadal la gashao dowladda Itoobiya.

Magacyada xubnaha la ansixiyey ayaa kala ah:

1 Madaxweynaha DDSI Mustafe Muxumed Cumar

2 Madaxweyne Ku xigeen Aadan Faarax Ibrahim

3 Wasiirka Biyaha Bashiir Shaafi

4 Wasiirka Maaliyadda Bashiir Dubbad

5 Wasiirka Madaxtooyada Xasan Dhaadhi

6 Wasiirka Waxbarashada C/laahi Maxamed Muuse

7 Wasiirka Caafimaadka Dr Yusuf Maxamed

8 Wasiirka Beeraha C/qaadir iimaan

9 Wasiirka Howlaha Guud C/fataax Sheekh Biixi

10 Wasiirka Ganacsiga C/raxmaan Axmed Xasan

11 Wasiirka Ka hortagga Masiibooyinka Maxamed Cabdi

12 Wasiirka Qurbajoogta Xabiib Xaaji

13 Wasiirka Xeer-ilaalinta C/wali Jaamac Ibrahim

14 Wasiirka Xoolo Dhaqatada Eng Maxamed Shaale Isaaq

15 Wasiirka Cadaaladda Mubaarak Sheekh Cumar

16 Wasiirka Shaqada Iyo Shaqaalaha Xasan Aadan

17 Wasiirka Haweenka Ayaan Cabdi Shukri

18 Wasiirka Warfaafinta Guuled Aw Cali

19 Wasiirka Dhalinyarada Xasan Faarax Cali

20 Wasiirka Dooxooyinka Axmed Deeq Maxamed

21 Wasiirka Sayniska Axmed Naaji

22 Wasiirka Dhaqanka, Dalxiiska Ilyaas Abiib

23 Maareeyaha Xafiiska xirfadaha iyo tababarrada

24 Maareeyaha Macdanta, Tamarta Mudane Lade C/wali

25 Maareeyaha Wakaaladda Jidadka Sacaada Giire

26 Maareeyaha Wakaaladda Dakhliga Mudane C/laahi Cabdi

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM