Itoobiya oo Afti ka qabaneysa gobol doonaya is-maamul madax banaan

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Guddiga Doorashooyinka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in 13-ka November sanadkan 2019-ka ay qabsoomeyso Afti loo qabanayo gobolka Sidama, kaasi oo is-maamul madax banaan doonaya.

Rabshado ka dhashay banaanbaxyo lagu dalbanayo aqoonsigaasi gaarka ah kuwaasi oo bilooyinkii lasoo dhaafay ka socday degaanka ayaa waxay galaafteen nolosha dad badan, kuwaasi oo u badan dad shacab ah.

Dowlad goboleedkan oo dhaca koonfurta dalkan ku yaala Geeska qaaradda Afrika ayna degaan dad isku isir ah ayaa waxa uu caan ku yahay wax soo saarka gaar ahaan kafeyga.

Warbaahinta maxaliga ah oo soo xiganeysa dadka degaanka ayaa waxay ku warameysa in dadka ku dhaqan gobolkaasi ay "aad u soo dhaqeeyeen" shaacintan dowladda.

Itoobiya ayaa siyaasad ahaan wuxuu ku shaqeeyaa nidaamka federaalka oo lagu saleeyay qowmiyadaha wadankaasi, kuwaasi oo dastuurka uu kala qeexayo saamiyadooda.

Talaabadan ayaa qayb ka ah isbedel dhinaca dimoqraadiyadda ah oo ay Itoobiya gashay tan iyo markii uu bishii April sanadkii hore uu xafiiska la wareegay ra'iisul wasaare Abiy Axmed.

Abiy, oo kasoo jeeda qowmiyada ugu badan qarankan ee Oromadda, ayaa furfuray siyaasadda, wuxuuna la heshiiyey kooxaha hubeysan iyo Eritrea oo ay colaad gaamurtay ka dhex-aloolsaneyd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM