Itoobiya oo caddeysay mowqifkeeda milatariga xukumaya Suudan

Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Itoobiya - Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Talaadadii waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Golaha Milatari ee Ku Meel Gaarka ah kaasoo xukumaya Suudaan, Jenaraal Abdel Fattah al Burhan.

Sidda uu sheegay xafiiska Abiy, Jenaraalka ayaa wuxuu aqoonsaday xulufada dhow ee Itoobiya ay la tahay Suudan, waxa uuna waydiistay ra'iisul wasaaraha in uu la wadaago taladiisa walwalka jira.

Mr Abiy ayaa waxa uu u xaqiijiyey Al Burhan taageerada Itoobiya iyadda oo loo marayo aragti ka go'naanshiyo oo ku dhisan farogelin la’aan, sidda ay baahisay wakaalada wararka u faafisa Itoobiya.

Isaga oo dul istaagaya codsiga taladda, ra'iisul wasaaraha ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay in nidaamka kala guurka ah uu noqdo mid loo dhan yaay, oo dhinac kasta uu qayb ka noqdo.

Kadib wadahadalka, dhinacyadda ayaa ka qaybgalay munaasabad dhir beeris ahayd, sidda uu xafiiska ra'iisul wasaaruhu raaciyey.

Intii uu kulanku socday, Al Burhan ayaa uga warbixiyey wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa xaalada siyaasadeed ee Suudaan.

Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Milatariga iyo Xoogaga Isbedel Doonta, oo ah ururo mucaarad ah, ayaa si dhow uwada shaqeynaya waqti xaadirkaan, sidda uu ka dhawaajiyey Jenaraal Al Burhan.

Golaha Milatariga iyo Isbaheysiga Mucaaradka ayaa dhowaan ku heshiiyey in la sameeyo guddi cusub oo dalka sii maamulaya inta laga gaarayo doorashada xigta, taasoo la filayo in ay qabsoonto saddex sano kadib.

Ciidamada Suudaan ayaa bishii April xukunka kula wareegay in-qilaab markii ay xilka ka tureen Cumar Xasan Al Bashiir, madaxweynihii 30-ka sano ka ariminayey wadankaasi, taasoo ka dambeysay kadib banaanbaxyo waaweyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM