Itoobiya oo dacwad kusoo roogtay dad loo haysto dilka fanaankii Oromada

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Itoobiya ayaa Jimcadii waxay dacwad kusoo oogtay afar lala xiriirinayo dilka fanaankii caanka ahaa ee reer Oromo kaasoo dhimashadiisa ay isu soo baxyada maalmaha socday ay ka dhasheen.

Wakaalada wararka Reuters ayaa sidaas ku warantay iyadoo soo xiganeysa afhayeenka Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee waddankaas.

Sidda uu ka dhawaajiyey afhayeenka, afarta ruux ee loo haysto dilkaan waxay wajahayaan dacwad salka ku haysa argagixisanimo.

Shirqoolka lagu khaarijiyey Haacaaluu Hundeessaa oo June ka dhacay Addis Ababa ayaa rabshahada ka dhashay waxaa ku dhintay 178 qof.

Ku dhowaad sagaal kun oo isugu jira siyaasiyiin, shaqsiyaad u ololeeya arrimaha bulshada iyo wariyeyaal ayaa lagu xiray banaanbaxyadda.

Todobaadkii hore, laba kun oo ruux ayaa lagu soo oogay dacwad lala xiriirta qulqulatooyinka, waxaana lasoo taagayaa maxkamad.

Jawar Maxamed, aas-aase warbaahin ahna siyaasi u dhaqdhaqaaqa qadiyada Oromada, ayaa kamid ah shaqsiyaadkaas, waxaana loo haystaa xadgudubka xeerarka isgaarsiinta, argagixisada iyo hubka.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa tabisay in shaqsiyaadka qaarkood uu aad u sareeyo tuhunkooda isla markaana ay maleegayeen dilka shaqsiyaad caan ah si ay u abuuraan qalalaase una ridaan dowladda jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM