Itoobiya oo diidey dalab ay gudbiyeen Masar iyo Sudan
ADDIS ABABA, Ethiopia - Warqad ay dirtay madaxweynaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay (UNSC) Arbacadii (23-kii Juunyo) ayay Itoobiya ku diiday isku daygii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen Masar iyo Suudaan kuna doonayeen in goluhu soo farageliyo is-mari-waaga ka taagan biyo-xireenka webiga Nile.
Itoobiya waxay warqadda ku sheegtay in falalka Masar iyo Suudaan ay qeyb ka yihiin "qorshe si wanaagsan loo soo agaasimay oo lagu wiiqayo hannaanka uu hoggaaminayo Midowga Afrika ugu dambayntiina lagu dhawaaqayo inuu yahay mid aan waxtar lahayn" iyada oo intaas ku dartay in taasi kaliya ay meesha ka saareyso "kalsoonida saddexda dal".
Warqadda ayaa lagu caddeeyay in tan iyo markii la bilaabay wada-xaajoodka ay AU-da garwadeenka ka tahay in labada dal ay si hoose u carqaladeeyeen geeddi-socodka "ayaga oo hor-tagaya dood wax ku ool ah".
"Labada dal waxay isku dayeen inay caburiyaan hannaanka uu horkacayo Midowga Afrika iyaga oo ku duraya arrimo aan xiriir la lahayn wadahadallada qaab aan loo baahnayna u xalinaya qadiyadda isla markaana horgeeyay ururka Jaamacadda Carabta si ay arrinta u sii murjiso," ayay hoosta ka xariiqdey.
Sida ku xusan warqada oo saxaafadda lala wadaagay, Masar iyo Suudaan ayaa si muuqata uga caga-jiidaya in la helo xal ka yimaadda Afrika "ayaga oo wata ajande aan u adeegayn xasiloonida".
"Wadahadalka seddex geesoodka ah waxaa loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo iskaashiga waa inuusan u adeegin aragtiyadda ku saleysan xuquuqdooda gumeystaha iyo rabitaankooda liddiga ku ah Itoobiya," ayay raacisay.
Sida ku cad warqadda, buuxinta sanadka labaad ee GERD waxaa la maamuli doonaa xilli-roobaadka soo socda laga bilaabo Julaay iyada oo la raacayo jadwalka ku saleysan marxaladda iyo sharciyada lagu fahmay geeddi-socodka saddex-geesoodka ah.
Warqadda ayaa ku soo gabagabeysay tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan mowqifka Itoobiya ee gorgortanka saddex geesoodka ah iyadoo ugu baaqday Golaha Amniga inuu ku dhiirrigeliyo dowladaha Masar iyo Suudaan in ay si daacadnimo leh u sii wadaan gorgortanka uu garwadeenka ka yahay Midowga Afrika.
GAROWE ONLINE