Itoobiya oo diidey ka qeybgalka shir-madaxeedkii IGAD ee Uganda

Image
Kulankan ayaa waxaa looga hadli lahaa heshiiskii buuqa dhaliyey ee Addis Ababa iyo Hargeysa.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dawladda Itoobiya ayaa diiday ka qeybgalka shirka IGAD ee looga hadli lahaa Heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland ee dhaawacayay Madax banaanida Soomaaliya.

Kulankan ay IGAD u iclaamisay Fadhi deg deg ah ayaa ka dhici lahaa magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Addis Ababa ayaa sababta maqnaanshaheeda ku sababeysay in Jadwalkeeda booqashooyinka ee maalmaha shirka uu yahay mid buuxa, oo aysan suuragal u aheyn, balse ay wada hadal diyaar u noqon karto xiliyo kale.

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli ay soo baxayeen maalmihii lasoo dhaafay in Itoobiya ay sameysay dadaalo ay ku burburineyso shir-madaxeedkan balse fashilmeen.

Dhinaca kale, go’aanka Itoobiya ayaa wuxuu yimid xilli Suudaan ay xariirka u jartay Ururka IGAD sababo ku aadan in madasha lagu casuumay Hoggaamiyaha ciidanka gurmadka deg deg ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya: Gabdho Soomaali ah oo lagu qabtay $560,000 oo false ah

Saraakiisha DCI-ga ayaa sheegay in lacagta been abuurka ah ay ku jirtay xaalad aad u adag oo dadka qaarkiis aysan si fudud u garan karin.

  • Afrika

    30-08-2025

  • 05:43PM

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM