Itoobiya oo diiwaan-gelisay geeridii ugu horeysay ee fayruska Corona

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Wasaaradda Caafimaadka waddanka Itoobiya ayaa ku dhawaaqdey geeridii ugu horeysay oo ka dhalatay Coronavirus.

Lia Tadesse, wasiirka wasaaradaas, ayaa sheegtay in qofka dhintay uu yahay haweenay 60-sano jir, balse waxay ka gaabsatay magaceeda

Qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka ayay daboolka kaga qaadey in haweenayda ay nafta kaga baxday Isbitaalka lagu magacaabo Eka Kotebe.

"Waxay ii tahay tiiraanyo in aan ku dhawaaqo geeridii bukaankii ugu horeeyay ee u dhintay Covid-19," ayay hadalkeeda raacisay.

Qoyskiisa, ehelkiisa iyo asxaabtiisa ayay sheegtay in ay la wadaageyso murugada isla markaana ay kaga tacsiyeyneyso dhimashadiisa.

Dhanka kale, dalka Barbados ayaa ku dhawaaqay in qofkii ugu horeeyay uu waddankaas ugu geeriyooday caabuqaas faafa.

Ruuxa dhintay ayaa lagu sheegay nin 81-sano jir ah, kaas oo dhowaan kasoo laabtay socdaal uu ku tegay boqortooyadda Ingiriiska.

Sikastaba, guud ahaan caalamka, cudurkaas ayaa galaaftay in ka badan 60-kun oo qof, iyaddoo dadka qaadey ay kor-u-dhaafayso hal milyan oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM