Itoobiya oo jawaab ka bixisay Khariidad muran dhalisay

Image

Mas'uuliyiinta Dowladda Itoobiya ayaa war kooban oo ay soo saareen ku sheegay inay ka xun yihiin sawir muran xoog leh dhaliyay oo lagu daabacay bogga internet-ka ay ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Addis Ababa.

Qoraalka oo la soo dhigay isla Website-ka sawirka lagu daabacay ayaa la yidhi: "Waxaan fahannay in sawir khaldan oo aan la aqbali karin oo muujinaya Khariidadda Afrika uu si kadis ah kusoo galay bogga internet-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Federaalka ee Itoobiya. Isla markii aan arrinta ka war helnay, si deg deg ah ayaan sawirkaas uga bixinnay Website-ka. Fadlan xaqiiq u haya in kooxdeena dhinaca ICT-ga ay ka shaqeynayaan hubinta ammaanka Website-ka. Waxaan si kal iyo lab ah uga qoomameyneynaa jah wareer kasta oo ay suurta gal tahay in uu sababay iyo isfaham darro ka dhalatay dhacdadaan".

Qoraalkan ayaa u muuqday mid ay dowladda Itoobiya ku sheegeyso inay ka xuntahay dhacdadaas, balse ma aha mid lagu xusay raalli galin rasmi ah.

Sidoo kale laguma xusin macluumaadka dhabta ah ee laga dheehanayay sawirka, arrintaasoo ahayd tii carada dhalisay, lamana soo hadal qaadin in Khariidadda ay muujineysay Itoobiya iyo Soomaaliya oo la isku daray, lagana dhigay Itoobiya oo kaliya.

Dadka Soomaalida ah ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga falceliyay sawir lagu daabacay bogga internet-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya, kaasoo muujinaya khariidadda Afrika, iyadoo Soomaaliya lagu daray Itoobiya.

Sawirka muranka dhaliyay, oo ilaa iminka aysan ka hadlin dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa durba laga saaray bogga wasaaradda, kadib markii qeylo dhaan la xiriirta ay cirka isku shareertay.

Waxaase xusid mudan in khariidadda Soomaaliya ee Itoobiya la raaciyay laga reebay dhinaca Waqooyi, halkaasoo ay ka arrimiso jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Arrintan ayaa lagu tilmaamay mid meel ka dhac ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, waxaana dadka ka fal celiyay ay sheegeen in Itoobiya ay dooneyso wax ay ugu yeereen "dhul ballaarsi".

Dhanka kale waxaa khariidadda lasoo sawiray aan lagu muujinin Suudaanta Koonfureed, iyadoo lagu daray dalweynaha Suudaan.

Hase ahaatee, lama oga in khariidaddan la sameeyay ka hor intii aysan Suudaanta Koonfureed ka go'in Suudaan inteeda kale.

Tan iyo markii sanadkii lasoo dhaafay uu xilka Ra'iisul wasaaraha Itoobiya qabtay Dr Abiy Axmed, waxaa horumar dheeraad ah sameynayay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna labada dal madaxdooda yeesheen shirar badan oo ay uga arrinsanayeen sidii ay horumar wada jir ah u gaari lahaayeen.

BBC

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM