Itoobiya oo muddeysay bixitaanka ciidanka xulafada la ah

Image
Talaabadan ayaa ka dambeysay markii heshiis nabadeed uu dhexmaray Addis Ababa iyo TPLF.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Wasiirka Isgaarsiinta Dowladda Itoobiya Legese Tulu ayaa sheegay in dhammaan ciidamada ku dagaallamaya gobolka Tigray ee aan ka tirsaneyn ciidamada federaalka ay isaga bixi doonaan marka hubka ay dhigaan jabhadda TPLF.

Ciidamada Axmaarada iyo Canfarta iyo sidoo kale ciidamada Eritereeya ayaa ka barbar dagaalamayey ciidamada federaalka oo labadii sano ee lasoo dhaafay dagaal kula jiray jabhada TPLF ee Tigreega.

Xukuumada iyo kooxda TPLF ayaa 2-dii November heshiis nabadeed ku kala saxiixday magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, si loo soo afjaro dagaalka ka socda waqooyiga dalkaasi.

Sidoo kale, ciidamada iyo taliyayaasha kacdoonka ayaa 12-kii bishan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku kala saxiixday heshiis nabadeed.

Dhanka kale, xisbi mucaarad ah oo ka dhisan gobolka Tigray ee Baytona Tigray ayaa diiday heshiiska nabadeed, wuxuuna sheegay in TPLF aysan matalin qoomiyada Tigrayga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM

Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS, oo ah urur dhaqaale oo ka jira Galbeedka Afrika.

  • Afrika

    11-09-2025

  • 07:21AM