Itoobiya: Puntland iyo Somaliland waa maamulo hoostaga DF Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Kadib markii ay soo baxday in bogga wasaaradda arrimaha dibada Itoobiya dal ahaan looga diiwaan-geliyey Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa ka hadlay dowladda wadankaasi.

Barta Internet-ka ee wasaarada arrimaha dibada dalkaasi aan badda lahayn si gaar ah qeybta wadamada xiriirka diblumaasiyadeed uu kala dhaxeeyo ayaa lagu arkay iyada oo maamulada laga saarey Soomaaliya.

Talaabadaasi oo carro badan ay ka muujiyeen Soomaali badan ayaa waxaa nan wali ka hadlin xukuumadda federaalka ah ee fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Balse, Nebiyat Getachew, afhayeenka Itoobiya, oo cadeeyay mowqifka qarankiisa, ayaa si cad daaha uga rogay in Somaliland iyo Puntland u aqoonsan yihiin maamulo hoostaga dowlada federaalka Soomaaliya.

"Waxaan safaarad ku leenahay Muqdisho. Somaliland iyo Puntland waxaan ku leenahay xarumo diblumaasiyadeed," ayuu afhayeenka ku yiri wareysi uu siiyey Idaacadda BBC-da, maanta oo Arbaco ah.

Itoobiya ayaa waxaa magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa u jooga wakiilo, kuwaasoo dhowaan isbedel uu ku sameeyay ra'iisul wasaare Abiy Axmed, uuna usoo magacaabey Qunsulyado cusub.

Mr Getachew oo hadalkiisa sii wata oo cod dheer ku qeexay in ay jiraan khaladaad ka dhex jira website-ka wasaaradooda xiriirka caalamka waddankaasi ayaa tiibaxay in ay wax ka qaban doonan.

Sikastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa imaaneysa xili todobaadkii hore Itoobiya ay soo saartay khariirada qaarada Afrika, taasi oo laga saarey Somaaliya wallow ay raali buuxda ka bixisay, "ayna ka muujisay qoomameyn".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM