Itoobiya oo qaadey xayiraadii saarneyd baraha bulshadda
ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Itoobiya ayaa u ogolaatay dadka inay adeegsadaan Facebook, Telegram, TikTok iyo Youtube markii ugu horreysay muddo shan bilood ah.
Xayiraada baraha bulshadda ayaa la soo rogay 9-kii bishii February ee sanadkan kadib markii ay xiisad ka dhex aloosantay kaniisadda Ortodoks-ka ee Itoobiya iyo dowladda.
Kaliya kuwa haysta software-ka shabakada gaarka loo leeyahay (VPN) ayaa geli karay aaladaha warbaahinta bulshada - taas oo ay kharash dheeraad ah ku bixinayeen.
Kaniisadda Ortodokska ayaa bishii February soo wajahday kala qaybsanaan kadib markii qaar ka mid ah baadariinta sare ee ka soo jeeda gobolka Oromia ay sheegeen in ay doonayaan in ay sameeyaan synod cusub.
Talaabadan ayaa dhalisay isku dhacyo dhimasho iyo dhaawac sababay, balse dadaal dhex dhexaadin ah oo ay sameysay dowladda ayaa hadda ka soo baxay dildilaacyada.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka oo ku aadan go’aanka lagu qaadey xayiraada. Bishii hore, madaxa Ethio Telecom ayaa sheegay in xannibaadda aysan ahayn go’aan ay qaadatay shirkadda ay dowladdu leedahay.
Sida laga soo xigtay Bulshada Internet-ka, maqnaanshaha ayaa ku kacay Itoobiya $42m (£32m) sababtoo ah saameynta ganacsiga. Qaar kale waxay leeyihiin tirooyinka ayaa ka sarreeya.
Degaano ka tirsan gobolka ku yaalla waqooyiga ee Tigray, halkaas oo ay ka jireen colaado laba sano jirtey bishii November ee la soo dhaafey, ayaa weli aan la isticmaalin internet-ka.
GAROWE ONLINE