Itoobiya oo Sudan iyo Masar ku eedeysay wiiqida wadahadalka Nile

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Itoobiya ayaa Arbacadii ku eedeysay Masar iyo Suudaan inay ka shaqeynayaan sidii loo wiiqi lahaa geeddi socodka Midowga Afrika (AU) ee wadaxaajoodyada saddex geesoodka ah ee ku saabsan shuruucda iyo tilmaamaha loogu talagalay buuxinta iyo ka shaqeynta Biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD).

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Danjire Dina Mufti oo la hadlayey saxaafadda ayaa sheegay in Suudaan iyo Masar ay u socdeen sidii ay wadahadallada uga saari lahaayeen gacanta AU-da.

Maalintii Talaadada, Suudaan waxay kaga hadashay shirka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay qadiyaddan buuxinta sanadkii labaad ee GERD ee ay Itoobiya qorsheyneysay inay fuliso bisha soo socota ee July-Ogosto, oo ah xilli roobaadka ugu weyn. Suudaan waxay UNSC u sheegtay in buuxinta qorshaysan ay khatar ku tahay amniga.

"Suudaan ma jirto arin macquul ah oo ka hartay, laakiin kaliya waxay sii wadaysaa ajandaha dhinac saddexaad,” ayuu yiri Dina, isagoon magacaabin. "Suudaan waxay ka shaqeyneysaa inay hubiso in geedi socodka Midowga Afrika uu fashilmo".

Afhayeenka oo la weydiiyay waxa ka khaldan in Masar iyo Suudaan ay raadsadaan dhexdhexaadin ay ku daraan Mareykanka, EU, iyo Bangiga Adduunka, wuxuu weydiiyay su’aal ah: "Maxaa ka qaldan hanaanka uu Midowga Afrika hoggaaminayo?".

Wuxuu sheegay in Midowga Afrika iyo UN-ka ay leeyihiin barxad ay ku wada shaqeeyaan oo ay ku wadaagaan macluumaadka ku saabsan arrimaha Afrika iyo arrimaha kale ee xiisaha leh.

"Itoobiya waxay u gudbisay warqad Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, oo ay kaga dalbaneyso inay cadaadis ku saarto Masar iyo Suudaan inay dib ugu soo laabtaan geeddi-socodka Midowga Afrika," ayuu yiri.

Dhex-dhexaadinta ay Afrika hoggaamineyso ayaa soo socotay tan iyo bishii Juun ee la soo dhaafay ka dib markii wadahadaladii uu garwadeenka ka ahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ay ku guuldareysteen inay keenaan wax natiijo ah oo ku saabsan kala-soocidda khilaafaadka ay muujiyeen saddexda dal.

"Waraaqda, Itoobiya waxay soo jeedisay tallaabooyin lagu dhisayo kalsoonida," ayuu afhayeenka ku daray hadalkiisa isagoo si weyn u difaacay mowqifka Addis Ababa ee ah in xal Afrikaan ah loo goobo muranka.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in sheegashada Suudaan ee ah in ay sii deysay 61 askari oo la qabtay ay been tahay. "Xaqiiqdii, 59 ka mid ah waa beeraley halka laba kaliya ay ka tirsan yihiin maleeshiyada deegaanka."

Toddobaadkii la soo dhaafay, Suudaan waxay sheegtay in ay sii daysay 61 askari oo Itoobiyaan ah oo ay horay u qabatay taas oo muujinaysa "u heellan deris wanaag".

Dina ayaa ku eedeeyay xukuumadda Khartuum in ay dhaqdhaqaaq milatari ka wado xuduudka. Ciidanka Itoobiya ayuu tibaaxay in aysan wadin wax howlgalo milatari ah. "Kuwa la siidaayay 59 ka mid ah waa beeralay ay ciidamada Suudaan ka kaxeeyeen xuduuda labada waddanka; kaliya labo ka mid ah waa maleeshiyada deegaanka," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM