Itoobiya oo u baroor-diiqdey Jenaraalo shirqool lagu khaarijiyey

Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Mas'uuliyiin sarre oo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu baroor-diiqayey Jenaraalo la dilay.

Xafladda oo uu kasoo muuqday ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa waxay ka qabsoontey hoolka Millennium ee magaaladda Addis Ababa.

Meydadka taliyaha ciidamada Seare iyo Gaashaanle Sare Gezai oo howl-gab ah ayaa loo qaadey Kaniisada Gabriel.

Saxaafadda maxaliga ah ayaa waxay kusoo warameysa in berri oo Arbaco ah la aasi doono labadaasi shaqsi.

Sarkaalka ugu sareeya milatariga dalka aan badda ahayn ayay fiidnimadii Sabtida ilaaladiisa ku dhex-dishay hoygiisa oo ku yaala Addis Ababa.

Jenaraalka kale ayaa waxaa isna lagu waramayaa in isla gudaha magaaladda ay ku toogteen xoogaga dowladda.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warantay in lasoo xiray askartii dilka geysatay, isla markaana cadaaladda la marsiin doono.

Labadan marxuum ayaa la sheegay in loo beegsaday markii ay isku dayeen in ay baajiyaan afgembi dhicisoobay oo waqtigaasi ka socday gobolka Amxaarada.

Xafiiska Abiy ayaa ku eedeeyay inqilaabkaasi madaxii xafiiska amniga iyo nabada gobolkaasi kaasoo la sheegay in la dilay isaga oo baxsad ah.

Madaxweynihii is-maamulkaasi, lataliyihiisa iyo xeer-ilaaliyihii ayaa ku naf-waayey shaqaaqadiisa oo muddo afar saac ah socotay.

Tan iyo markii uu dhacay afgembigaasi guuldareystay waxaa hoos loo dhigay calanka dalka Itoobiya, talaabo lagula murugoonayo ehalada mas'uuliyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM