Itoobiya oo u yeertay safiirka Mareykanka kadib hadalkii Trump

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Gedu Andargachew, ayaa maanta oo Sabti ah wuxuu su'aallo waydiiyey danjiraha waddanka Mareykanka u fadhiya Addis Ababa ee Mike Raynor.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa warisay in Andargachew uu ka doonayey Raynor sharaxaad ku saabsan hadalkii kasoo yeeray madaxweyne Donald Trump ee ku saabsanaa biyo-xireenka GERD.

Trump oo khadka telefoonka kula hadlay hogaamiyeyaasha Yahuuda iyo Suudaan ayaa ku eedeeyay Itoobiya in ay burburisay heshiiskii biyo-xireenka, isagoo ugu baaqay Masaarida in ay "qarxiyaan mashruucaas".

Sidda ay ku warantay warbaahinta FANA, wasiir Gedu ayaa hoosta ka xariiqay in hadalka Trump uu marin-habaabin yahay isla markaana ay khalad tahay in biyo xireenka uu joojinayo qulqulka biyaha webiga Nile.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa baaqa uu Trump u diray Khartuum waxay ku qeexdey "kicin dagaal oo aan ku habooneyn xiririirka soo jireenka" ee saddexda dal.

"Wasiirka ayaa ku wargeliyey safiirka in Itoobiya aysan marnaba u waaban doonin hanjabaadaha ka dhanka ah madaxbanaanideeda ayna sii waddeyso wadaxaajoodyadda saddex-geesoodka ee ku dhigan qorshe howleedka ururka Midowga Afrika," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

Warka qoraalka ah ayaan lagu soo hadal-qaadin dhawaq kasoo yeeray Trump oo ku aadanaa in aysan dib u bilaabi doonin dhaqaalihii ay siin jireen Itoobiya illaa ay ka joojineyso buuxinta iyo dhismaha biyo–xireenkaas.

Washington ayaa horey u abaabushay heshiis saddex geesoodka ah kaasoo Itoobiya, Masar iyo Suudaan ka gaareen muranka biyo-xireenka, hase ahaatee, wuu burburay markii Addis Ababa ay qoonsatay qodobo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto: Muxuu Kaga Falceliyey Qof Kab Kaga Tuuray Goob uu Ka Hadlayey?

Hoggaamiyaha dhalinyarada Migori, Byron Oginga, ayaa isna sheegay in Madaxweynaha…

  • Afrika

    04-05-2025

  • 11:05PM

Sudan: RSF ay weerar ku qaadey saldhig ciidan iyo garoonka diyaaradaha ee Port Sudan

Xogtaasi waxay muujisay in diyaaraddaas oo kasoo kacday garoonka caalamiga ah ee Dubai ay ku wareegtay Badda Cas.

  • Afrika

    04-05-2025

  • 12:32PM