Itoobiya oo xaalad deg-deg ah gashay xili ay korortay tirada kiisaska

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Itoobiya ayaa ku dhawaaqdey xaalad deg-deg ah si ay uga hortagto faafitaanka Covid-19, sida ay warisay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas dhaca Geeska qaarada Afrika.

Shaacinta ayaa imaaneysa xili kiisaska Coronavirus ay gaareen 55, iyaddoo 24-kii saac ee lasoo dhaafay laga baaqay 225, sidda ay sheegtay Lia Tadesse, oo ah Wasiirka Caafimaadka waddankaas.

Dhamaan bukaanada waa Itoobiyaan. Badankooda waxay ka yimaadeen dibadda, wallow ay jiraan tirro gudaha ku qaadey.

Ma jiro bukaan ay xaaladiisu aad u liidato. Illaa iyo haatan, waxaa u geeriyooday hal qof oo da' ah, sidda ku cad warbixinta.

Ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa horey u amray in la xiro goobaha waxbarashadda iyo in la xiro xuduudka.

Doorashooyinka baarlamaanka ee qorshuhu ahaa in ay qabsoomaan bisha August ayaa dib loo dhigay muddo aan la cayimin.

Tan iyo markii uu xanuunkaan kasoo bilowday magaalada Wuhan ee bartamaha Shiinaha, cudurka ayaa gaarey dhamaan dalalka ka tirsan Qaramada Midoobay, iyaddoo uu galaaftay in ka badan 71-kun oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya: Gabdho Soomaali ah oo lagu qabtay $560,000 oo false ah

Saraakiisha DCI-ga ayaa sheegay in lacagta been abuurka ah ay ku jirtay xaalad aad u adag oo dadka qaarkiis aysan si fudud u garan karin.

  • Afrika

    30-08-2025

  • 05:43PM

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM