Jabuuti oo aan wali ka rajo dhigin xubinimada Golaha Ammaanka UN-ka

Image

WASHINGTON, US – Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxay ku dhawaaqday in aysan wali ka rajo dhigin olalaheeda ku aadan kamid noqoshadda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Danjiraha Jabuuti ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa xusay in ay dowladiisa sii karaar-siineyso dalabkeeda ku biirida golahaasi muhiimka ah, oo ah xubinimo aanan joogto ahayn.

Maxamed Saciid Daa'uud, safiirka Jabuuti ee Mareykanka iyo Canada, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa wuxuu u mahad-celiyay "dalal ay taageero u muujiyey".

"Djibouti waxay mar labaad xaqiijineysaa go'aankeeda ah inay sii waddo dalabkeeda ah inay kursi ka hesho Golaha Amniga muddada 2021-2022. Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan dowladaha xubnaha ka ah UN-ka ee si rasmi ah u muujiyay taageerada Jabuuti," ayuu yiri.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo hagaagayaa iyadda oo Arbacadii ururka Midowga Afrika uu Kenya u doortay murashaxa Qaaradda ee doorashada kursigaasi oo qabsooomeysa bisha June ee sanadka dambe 2020-ka.

Balse tani ayaa waxaa la sheegayaa in ay tahay mid aanan meesha ka saareyn damaca Jabuuti ama dal kale oo Afrikaan ah kuwaasoo fursad ka haysta coddeyntaasi oo ay codka dhiiban doonan wadamada xubinta ka ah UN-ka.

Sidda uu xeerinayo sharciga, guuleystaha ayaa wuxuu u baahan yahay saddex meelood laba dalool oo ah dhamaan Golaha Guuud ee Qaramada Midoobay oo ka kooban 193 wadan. Soomaaliya waxay taageertay Jabuuti.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, unug awood badan oo UN-ka ka tirsan, ayaa ka kooban 15 xubnood oo Shan kamid ah yihiin kuwa joogta ah, halka inta soo hartay lasoo doorto labadii sano hal jeer.

Xubnaha joogtada ah oo kala ah; Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska ayaa waxay haystaan awood dheeraad ah oo la yiraahdo codka diidmada qayaxan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM