Jabuuti oo diiwaan-gelisay kiisas cusub oo fayruska Corona

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti — Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqdey in ay diiwaan-gelisay tobban kiis cusub oo Coronavirus ah.

Tani ayaa macnaheedu yahay in wadarta guud ee kiisaska ay haatan gaartay 150 [boqol iyo kun], oo u badan muwaadiniin Jabuutiyaan ah.

Wasaaradda Caafimaadka dalkaas ayaa waxay soo warisay in 36 qof ay kasoo kabteen cudurka dilaaga ah kadib markii ay ku dadaaleen.

Hal qof oo aan wali fahfaahin buuxda laga bixin shaqsiyadiisa ayaa u geeriyoodey xanuunka Covid—19, sidda ku xusan warbixinta wasaarada.

Tan iyo markii uu ka dilaacay magaalada bartamaha dalweynaha China ku taala ee Wuhan, caabuqa ayaa waxa uu ku dhacay 1.5 milyan.

Intaas waxaa wehlisa, wuxuu dilay in ka badan 100-kun oo ruux, sidda ay muujineyso warbixintii u dambeysay ee hay'adda caafimaadka aduunka.

Xanuunkaan oo ku dhaca neef-mareenka ayaa qaabka kaliya ee looga badbaadi waxaa lagu tilmaamay nadaafada oo si weyn loogu dedaalo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM