Jabuuti oo gudbisay dalab la xiriira shirka Russia iyo Afrika

Image

MOSCOW, Russia - Jamhuuriyada Jabuuti ayaa waxay gudbisay soojeedin ku saabsan shirka soo aadan ee Ruushka iyo qaarada Afrika, sida uu shaaca ka dhigay wasiirka arrimaha dibadda Russia, Sergey Lavrov.

Lavrov oo Talaadadii ay soo xigatay wakaaladda wararka Russia ee TASS ayaa hadalkiisa wuxuu yimid ka gedaal markii uu la kulmay dhigiisa Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf. Balse, ma bixin tafaasiisha soojeedinta.

Sida ay warisay TASS, diblumaasiga ugu sareeya Ruushka ayaa hadalkaas wuxuu yiri intii ay socotay munaasabadda furitaanka wadahadalada labada wasiir oo ku qabsoontay isla gudaha Mosocow.

"Maanta, waxaan heysanaa fursad wanaagsan oo aan ku aragno sida loo fulinayo heshiisyadii lagu gaaray shirkii ugu horreeyay abid ee Ruushka iyo Afrika, kaasoo ka dhacay Sochi sanadkii 2019. Dabcan, sidii lagu heshiiyay Sochi, waxaan isku diyaarin doonnaa shirkii labaad, kaas oo loo qorsheeyay in la qabto 2022," ayuu yir.

Wuxuu ku daray: "Shalay waxaan helnay soo jeedintiina oo faahfaahsan oo ku saabsan sida aad u arki doontaan ajandaha munaasabaddaas iyo heshiisyada cusub ee lagu gaari karo shirwaynaha soo socda".

Diblumaasiga ugu sareeya Ruushka ayaa intaas ku daray "Waan ku faraxsanaan doonnaa in aan isdhaafsano fikradaha ku saabsan natiijadaas maanta".

Shir madaxeedka labaad ee Ruushka iyo Afrika ayaa la filayaa in lagu qabto mid ka mid ah dalalka qaaradda Afrika, waxaana waqti xaadirkan soconaya qabashada araajida wadamada doonaya martigelintiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM