Jabuuti oo martigelinaysa shir la isugu soo shaqeynaayo Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin hadalka Jabuuti.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in dalkiisa iyo Kenya ay ka shaqeynayaan sidii loo soo celin lahaa xiriirkii wanaagsanaa ee ka dhaxeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya.

"Taasi waa hadafka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle," ayuu u sheegay MM Somali TV.

Waxa uu xusay in kulan kan ka horeeyay oo Itoobiya iyo Soomaaliya uu ka dhacay dalka Kenya, islamarkaana la filayo in kulan kale uu ka dhaco dalka Jabuuti.

"Gobolku wuxuu lahaa dhibaatooyin badan, dooni mayno dagaal cusub oo gobolka ka dhaca," ayuu raaciyay.

Waxa uu ku celiyay mowqifka Jabuuti – ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin hadalka Jabuuti. Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u sheegay in Itoobiya la hadlayaa marka ay ka noqoto is-afgaradkii ay la gashay Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM