Jacob Zuma oo la amray in uu dib ugu laabto jeelka

Image
Kooxda qareenada ee madaxweynihii hore ayaa racfaan ka qaadanaya go’aanka maxkamadda.

COPE TOWN, South Africa – Maxkamadda sare ee dalka Koonfur Afrika ayaa ku amartay madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma inuu dib ugu laabto xabsiga, kaddib markii ay dhinac iska dhigtay go’aan cafis loogu fidinayo.

Go'aanka ah in 79-jirka lagu sii daayo sababo cafimadka ayaa "waxaa lagu dhawaaqay in uu yahay mid sharci darro ah oo dhinac laga dhigay", ayuu Arbacada maanta ah yiri garsoore Elias Matojane oo xukunka ku dhawaaqay.

Kooxda qareenada ee madaxweynihii hore ayaa racfaan ka qaadanaya go’aanka maxkamadda, sida ay Twitterka ku sheegtay hay’adda samafalka Zuma.

Zuma, oo dedaaladda sii-daynta sharafeed sababo caafimaad bilaabay bishii Sebtembar, wuxuu wajahayaa xukun 15 bilood oo xadhig ah, ka dib markii uu diiday amarka maxkamad markii uu u hogaan-sami waayey awaamiirta uu kaga qayb qaatay baadhitaan musuqmaasuq.

Isla bishaas, maxkamadda sare ee Koonfur Afrika ayaa ku gacan seyrtay dalab uu ku doonayay in lagu baabi'iyo xukunka.

Madaxweynihii hore oo sagaalkii sano ee uu xukunka hayay uu dhamaaday 2018-kii, ayaa 7-dii July isku soo dhiibay xabsiga, taasoo dhalisay rabshadihii ugu xumaa ee Koonfur Afrika soo mara muddo sanado ah, iyadoo taageerayaasha Zuma oo careysan ay isugu soo baxeen waddooyinka.

Mudaaharaadku waxa uu isu beddelay bililiqo iyo cadho guud oo ka dhalatay dhibaatadii iyo sinnaan la’aantii jirtay 27 sano ka dib markii ay dhammaatay xukunkii caddaanka tirada yar. In ka badan 300 oo qof ayaa la dilay waxaana la dhacay oo la laayay kumannaan ganacsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM