Jarmalka oo bogaadiyey dhaqdhaqaaq ay Kenya kawado Soomaaliya

Image

BERLIN, Germany – Madaxweynaha dalka Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier, ayaa bogaadiyey dhaqdhaqaaqyadda ay Kenya kawado Soomaaliya si gaar ah xasilinta iyo dagaalka ka dhanka ah "argagixisada".

Hadalkaan ayuu sheegay xili uu wareysi gaar ah siiyey wargeyska afka dheer ee lagu magacaabo Daily Nation.

Dhawaqaan ayaa kusoo aadaya xili uu martiqaad rasmi ah uu ka helay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Tani ayaa Steinmeier ka dhigeysa mas'uulkii ugu sareeyay Jarmalka ee booqda Kenya tan iyo Angela Merkel oo si weyn loosoo dhaweeyay sanadka markii uu ahaa 2011-kii.

"Kenya waxay dhaqan u leedahay xiriir ku dhisan nabad, deris-wanaag iyo khilaafka Geeka Afrika oo lagu dhameeyo qaab nabadoon," ayuu raaciyey, isagoo ku qeexay "xulafo muhiim u ah Jarmalka".

Berlin ayuu hoosta ka xariiqay in ay go'an tahay in ay sii waddo taageerada ay siiso AMISOM iyo Kenya si ay gobolka uga dhigaan mid nabadoon isla markaana looga adkaado "argagxisadda".

Weeraradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ka fulisay Kenya ayuu carabka ku dhuftay, isagoo bogaadiyey sidda ay Nairobi "ugu guuleystay" in arrintaas aysan saameyn dadka kala diimaha ah.

"Jarmalka wuxuu taakuleeyaa Soomaaliya gaar ahaan taageero dhanka ammaanka ah, amniga badda si lamid ah dib-u-dhiska iyo dib u habeynta siyaasadda," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Steinmeier.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM

Itoobiya: In ka badan 60 qof oo lagu dilay weerarro ka dhan ah Masiixiyiinta gobolka Oromia

Kaniisadda ayaa sheegtay in shan ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen carruur, sida ay goobjoogayaashu u sheegeen BBC-da Af-Amxaarka.

  • Afrika

    27-10-2026

  • 10:45AM