Kadib 20 sano, Itoobiya oo dib u furatay Safaaradeeda Eritrea [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

ASMARA, Eritrea - Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa 20 sano kadib dib u furtay maanta oo Khamiis ah safaaradeeda ku taala caasimada dalka Eritrea ee Asmara taasoo qeyb ka ah heshiiska soo celinta xiriirka labada wadan.

Munaasabadda dib-furitaanka waxaa goobjoog ahaa Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, Madaxwaynaha Eritrea, Isaias Afwerki iyo mas'uuliyiin sare oo labada dowladood ka kala socday.

Bishii July ee sanadkaan 2018, Ethiopia ayaa safaaradeeda Asmara usoo magacowday Danjire Redwan Hussein, todobaad kadib markii Eritrea ayaa dhankeeda dib u furtay safaaradeeda magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.

Labadaan dowladood ayaa waxaa ka dhaxaysay colaado muddo 20 sano ah, taasoo laga dhax-lay dhimashadda dad badan, laakiin markii uu Abiy Axmed xafiiska la wareegay bishii April 2018 ayey arrimuhu isbedaleen, oo heshiis taariikhi ah laga gaarey.

Abiy Axmed ayaa booqasho lama filaan ah ayuu July 2018 ku tegay Amsara, isagoo kula soo saxiixday magaaladaasi Madaxwayne Afwerki kaasoo lagu soo afjaray colaaddii ka dhaxaysay Eritrea iyo Itoobiya tan iyo 2000.

Dib-ufuridda safaraadaha labadda dowladood ayaa qayb ka ahaa heshiiska ay kala saxiixdeen labadda hogaamiye, taasoo ay sheegeen inay kusoo celinayaan cilaaqadda labadda dhinac.

Eritrea oo horey u ahaa dal ka tirsan Itoobiya ayaa xorriyadda ka qaatay 1993-dii kadib dagaalo ay ku dhinteen dad ka badan 80,000 oo qof ah, kuwaasoo isugu jiray Askar iyo shacab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubno Daacish oo ku tababartay Soomaaliya oo Itoobiya qabatay iyagoo Qorsheynayeen Weerarro Argagixiso 

Warbixinta sirdoonka Itoobiya ayaa muujisay in la tuhunsan yahay in eedeysanayaasha ay tababar milatari ku qaateen Puntland.

  • Afrika

    17-07-2025

  • 05:13AM

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM