Kenya: Buuq ka dhashay wasiir ku baaqay in lagu "duulo" Suudaan

Image
Xukuumadda Nairobi ayaa ku qasbanaatay in ay iska fogeyso hadalkan kadib cadaadis kaga yimid baraha bulshadda.

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa lagu qasbay in ay dib-u-liqdo hadal buuq dhaliyey oo kasoo yeeray wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga dalkaas kaasoo ku saabsanaa colaadda ka taagan dalka Suudaan.

Moses Kuria oo qoraal ku daabacay baraha bulshadda ayaa beesha caalamka waxa uu ugu baaqay in ay talaabo milatari ka qaadaan ciidamada ku dagaalamaya magaalada caasimada ah ee Khartuum.

"Bulshada caalamka waa in ay si millatari ku galaan dal kasta oo ay ciidamadu afgambiyaan dowladda. Qaylo-dhaanta waxba ma tarto," ayuu Kuria ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Wuxuu raaciyey: “Milatariga ma qaadan karaan dimuqraadiyiinta sababtoo ah mabda'a beenta ah ee faragelinta la'aanta. Midowga Afrika waxa ay diyaarin karaan ciidan xooggan oo Khartoum ku duqeeya kuwa wax is-qarxiya".

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta Kenya ayaa sheegtay in qoraalka Twitter-ka lagu qoray uusan ka tarjumayn mowqifka xukuumadda Nairobi ee xiisadda Suudaan.

"Aragtida shakhsi ahaaneed ee uu muujiyay Moses Kuria ma matasho siyaasadda dawladda ee arrintan adag. Waxaan sii wadeynaa inaan la shaqeyno dhammaan dhinacyada si loogu xaliyo dhibaatada Suudaan si nabad ah," ayuu yiri Dr Korir Sing'oei, Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Iyadoo ra'yiga Mr Kuria ay ka tarjumayso dulqaad la'aanta uu u qabo jeneraalada ku dagaalamaya Suudaan, mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa si gaar ah u sheegay mid la mid ah.

Hadalka wasiirka wuxuu Nairobi gelin karaa xaalad xilli madaxweyne William Ruto uu horey ugu baaqay wada hadal waafi ah soona bandhigay in uu dhexdhexaadiyo Jeneraalada si loo gaaro xalad nabadeed oo waara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM