Kenya: Dad loo xiray weerarkii Al-Shabaab ee saldhiga Mareykanka

Image

NAIROBI, Kenya – Laamaha ammaanka Kenya ayaa sheegay in ay shan qofood u xireen weerarkii saaka Al-Shabaab ku qaadey saldhiga ku yaala gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Irungu Macharia, gudoomiyaha ismaamulka Lamu, ayaa sheegay wariyeyaasha in shaqsiyaadkan laga dhex-qabtay gudaha xeradda.

Sidda laga soo xigtay gudoomiyaha, xubnaha gacanta lagu dhigay ayaa watay walxo qarxa, waxaana loo dirayaa baaritaano dheeraad ah.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in dadka la qabtay tiradoodu gaareyso lix, isla markaana isugu jiraan dhalinyaro iyo waaweyn.

Dhinaca kale, bileyska Kenya ayaa xaqiijiyey in shan kamid ah dableyda gulufka soo qaadey lagu toogtay iska hor-imaad.

Wakaaladda wararka AP ayaa kasoo xigtay sarkaal sarre in weerarka lagu gubay shan diyaaradood oo laba kamid ah yihiin kuwa qumaatiga u kaca.

Al-Shabaab ayaa qoraal ku sheegtay in dhacdadaan ay "ku burburisay saldhiga ciidamadda Mareykanka isla markaana khasaaro xoog leh uu jiro".

Hase ahaatee, howlgalka Mareykanka ee Afrika ayaa tilmaamay in weerarka uusan ka dhicin saldhiga lana beegsaday garoon diyaaradeed oo yar.

"Argagixisadda uma aysan suurtogelin in ay galaan saldhiga, waxaana jira waxyeelo qalab oo soo gaarey garoonka," ayay tiri AFRICOM.

Weerarkan ayaa kusoo aaday iyaddoo ciidamadda Mareykanka ku jiraan heegan sarre kadib dilkii Qaasim Suleymaani, Jeneraalkii labaad ee ugu awooda badan waddanka Iiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM