Kenya iyo Denmark oo kala saxiixdey heshiis saameynaya Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladaha Kenya iyo Denmark ayaa kala saxiixdey heshiis ay ku cusbooneysiinayaan iskaashi ku saabsan ammaanka badda kaasoo socon doona shanta sano ee nagu soo fool leh, sidda ay warisay saxaafadda.

Monica Juma, wasiirka gaashaandhiga Kenya, ayaa ka codsatay baarlamaanka in ay meelmariyaan heshiiska ay Golaha Wasiiradda xukuumada Nairobi ansixiyeen markii boqortooyadda Denmark ay ogolaatay.

Heshiiskan asal ahaan dhacay 27-ka bishii September ee sanadkii 2018-kii kadib markii uu soo socdey 2015 illaa 2017 ayay dowlada Kenya uga faa'iideysatay qalabeynta Dugsiga Tababarka Ciidanka Badda.

Mashruucaa waxaa qayb ka ah iskaashi Kenya ka caawinaya in ay la tacaasho argagixisada, dambiyada caalamiga ah ee abaabulan sidda burcad-badeeda, ka ganacsiga darooga iyo bini'aadamka si lamid ah xasilooni darada Soomaaliya "oo labada dal daruuri u tahay in ay iska kaashadaan".

"Heshiiska aan gudbinay wuxuu sidoo kale bixinayaa qorshe howleed aan ku wajahano caqabadahaas iyaddoo loo marayo gaashaan-buur aan la yeelano Boqortooyada Denmark," ayay Juma shaacisay.

Kenya ayaa la daalaadhaceysa iska-caabinta maleyshiyadda Al-Shabaab kuwaasoo waqooyi-bari waddankaas ka fuliya weeraro ay ku beegsadaan fariisimaha ciidamadda milatariga iyo dadka Masiixiyiinta ah.

Qalin ku duugitaanka heshiiskan ayaa si lamid ah wuxuu kusoo hagaagayaa iyaddoo Soomaaliya iyo Kenya ay ka dhaceyso dacwad hortaala Maxkamadda ICJ isla markaana dhageysigeeda uu dib u bilaaban doono bisha June, 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM