Kenya iyo Itoobiya oo heshiis ka gaarey colaad beeleed
NAIROBI, Kenya - Kenya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in la joojiyo cadaawadda qabiilka ee ka taagan xadka ay ka wadaagaan ee Gobolka Mandheera, iyadoo mas'uuliyiinta ay wacad ku mareen in cid kasta oo ku soo xadgudubta sharciga lala tiigsan doono.
Ka dib markii dib loo dhigay kulamada amniga sababo la xiriira roobab culus oo da'ayay labadii todobaad ee la soo dhaafay, wakiilada labada dowladood ayaa Axadii ku kulmay gobolka Banisa.
Wakiilada Kenya oo ay hogaaminayeen Taliyaha Booliska Gobolka Mandheera George Seda iyo kuxigeenka ismaamula Banisa, Peter Lotulia, waxay kula heshiiyeen dhigooda Ethiopia in dhamaan dambiilayaasha looga shakisan yahay lasoo qabto lana horgeeyo maxkamada. Wafdiga Itoobiya waxaa hogaaminayay gudoomiyeyaasha gobolka Hawassa Mohamed Ali Kunaye iyo Mr Mohamed Mohamud Adan.
Go’aamada kale ee lagu heshiiyey waxaa ka mid ah ballanqaadka labada ergo oo ah in dambiilayaasha loola dhaqmo sidii shaqsiyaad, iyada oo aan lala simi doonin bulshadooda.
Mas'uuliyiinta Itoobiya waxay ballanqaadeen inay abaabulayaan kulan nabadeed oo ka dhaca Hawasssa oo u dhexeeya qabaa'ilka Garre iyo Dagoodi. Dadka dagan aagaga Daawa iyo Liibaan ee Itoobiya ayaa noqon doona kuwa sida weyn uga faa'iideysan doona kulanka.
Dagaal beeleedkii dhowaan ka dhacay Banisa wuxuu ka billowday Itoobiya kahor intaan rabshaduhu u gudbin Kenya horraantii bishan, waxaana lasoo wariyey in ay sababeen waxyeelo badan.
Waxaa lagu soo warramay in laba xubnood oo ka mid ah mid ka mid ah qabaa'ilka dega Itoobiya lagu dilay weerar koox ka soo horjeedda iyada oo, maalmo ka dib, laba xubnood oo ka tirsan kooxda ay iska soo horjeeddeen dhankooda lagu dilay Kenya.
Inti uu soday kulankooda Banisa, wakiilada labada dowladood waxay isla garteen in amniga laga xoojiyo gaar ahaan aagaga kaabiga ku haya xudduudda guud iyo aagagga maamulka.
Si lamid ah, dhinacyadda ayaa waxay ku heshiiyeen inay wadaagaan xogaha sirdoonka ah ee ku saabsan dhammaan arrimaha amniga, si loo xakameeyo khilaafaadka qabaa'ilka.
Dhammaan hoggaamiyeyaashii ka soo qayb galay kulanka ayaa isku raacay in la abaabulo shirar joogto ah oo qaabaysan si kor loogu qaado isku duubnida iyo nabadeynta bulshada ku dhaqan xadka guud.
Bulshooyinka ku nool xadka waxaa lagu booriyay inay ku soo wargeliyaan maamuladda ficiladda khalkhalka gelinaya amniga isla waqtiga ay ka warhelaan cidda ku lugta leh. Gudoomiyaha Mandheera, Ali Roba, ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiiskan nabadeed.
GAROWE ONLINE