Kenya iyo Tanzania oo kala saxiixdey heshiis khuseeya Gaaska
NAIROBI, Kenya – Kenya iyo Tansaaniya ayaa Talaadadii kala saxiixday heshiis ay ku bilaabayaan ka shaqeynta dhuumaha gaaska qaada ee ka imanaya Daarusalaam ilaa Mombasa taasoo ay labada hoggaamiye ku sheegeen inay qayb ka tahay mashruuc muddo dheer soconaya oo lagu wadaagayo ilaha tamarta.
Shir Jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen magaalada Nairobi, madaxweynaha Tanzaaniya Samia Suluhu iyo dhiggeeda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxa ay ku sheegeen in ay ku heshiiyeen in la dhiso kaabayaal badan oo isku xira, kana bilaabayaan dhuumaha gaaska iyo wadooyinka.
Is-fahamka ku saabsan Iskaashiga Gaadiidka Gaaska Dabiiciga ah waxaa loola jeedaa in Wasiirrada Tamarta ee laba dal ay bilaabi karaan gorgortanka qaabeynta, kharashka iyo baahiyaha kale ee xagga saadka ee dhuunta la dhisayo.
War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen ayaa lagu sheegay in ay sare u qaadi doonto "isku filnaanta tamarta" iyada oo Kenya ay aad u danaynayso in ay gaas ka soo dhoofiso warshadda curdanka ah ee Tanzania.
Lama shaacinta waqtiga shaqada bilaabanyso balse Madaxweyne Samia wuxuu tibaaxdey in farsamo yaqaanada la faray inay si dhakhso leh uga shaqeeyaan.
"Taasi waa mashruuc waqti dheer soconaya waana ku mahadsan nahay in maanta aan saxiixno heshiis waxa harayna ay yihiin fulinta," ayay hadalkeeda raacisay.
Samia ayaa intaas ku dartay: "Waxaan ku heshiinay baahida loo qabo in la fududeeyo safarka ilaha muhiimka ah ee tamarta waxaana gaarnay mid ka mid ah isfahamka noocaas ah oo ku saabsan gaadiidka gaaska. Waxa aan u baahanahay hada waa in aan bilowno fulinta mashruuca. ”
Madaxweyne Kenyatta ayaa carabka ku dhuftay in labada dal ay qasab ku tahay inay dhisaan xiriirkooda dhow ee dhaqan ee taariikhiga ah "si loo hubiyo in muwaadiniintooda ay ka faa’iideystaan isdhexgalka".
Kenya iyo Tanzania ayaa ah laba waddan oo deris ah. Cilaaqaadka dhanka siyaasadda waxaa ka xoogan midka ganacsiga. Isku furnaanta suuqa xorta ah waa mid kamid ah arrimaha hortabinta u leh hogaamiyeyaasha labada dal. Hasa ahaatee, marka qaar dhacdooyin ka dhaca xuduudka waxay keenaa isku-dhacyo.
GAROWE ONLINE