Kenya oo 700,000 neef lo' ah sanadkii u dhoofineysa Indonesia

Image
Waddamada Galbeedka Aasiya ku yaalla ayaa ku heshiiyey inay sare u qaadaan ganacsiga xoolaha ee Kenya sanadaha soo socda.

NAIROBI, Kenya - Kenya ayaa laga bilaabo xoogagan 2023-ka waxa ay dalka Indonesia u dhoofin doontaa 700,000 oo neef oo lo’ ah sanadkii, sidda ay ku dhawaaqdey xukuumadda fadhigeedu yahay Nairobi.

Tani waa qayb kamid ah heshiis ay Talaadadii soo gabagabeeyeen Wasiirka Ganacsiga Kenya, Moses Kuria iyo Agaasimaha Guud ee Wax soo saarka Xoolaha iyo Caafimaadka Xoolaha Indonesia, Ir Nasrullah.

Kuria, oo booqasho ku jooga dalka dhaca Koonfur-bari Aasiya, ayaa la kulmay wafdi u kuur-galaya iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya Kenya iyo Indonesia, halkaas oo ay ku heshiiyeen in la bilaabo dhoofinta lo'da marka la gaaro Agoosto.

"Waxaan ka wada hadalnay fursadda ay Kenya ku heli karto suuqa Indonesia si ay ugu iib-geyso 700,000 oo Lo' ah sannadkiiba. Waxaan ku heshiinnay in aan dedejinno hab-maamuuska ansixinta kuwaas oo awood u siinaya shixnadda ugu horreysa ee 20,000 oo neef marka la gaaro Agoosto 2023," ayuu Kuria ku yiri Twitter-ka.

Madaxweynaha Indonesia, Joko Widoto, ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago Kenya waqti dambe oo la shaacin doono, si loo sii xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah iyo furitaanka wadooyin cusub oo iskaashi oo dhinacyada kala duwan ee labada dal.

Bishii Janaayo ee sannadkii lasoo dhaafay 2023-ka, dowladda Kenya waxay dib u bilowday dhoofinta Lo’da ay u iib-geyneyso Cumaan kadib muddo 16-sano ah oo ay xayiraad saaneyd.

Waddamada Galbeedka Aasiya ku yaalla ayaa ku heshiiyey inay sare u qaadaan ganacsiga xoolaha ee Kenya sanadaha soo socda, iyadoo Safiirka Kenya ee Cumaan, Sheekh Maxamed Dor uu sheegay in Kenya ay awood u leedahay inay dhoofiso in ka badan 500,000 oo neef sannadkii.

Sheekh Door ayaa xilligaas waxa uu sheegay in Kenya ay bil walba xoolaha u dhoofin doonto dalalka Cumaan iyo Khaliijka. Talaabadan waxay Nairobi ku heli doontaa macaash dhaqaale oo aad u fara badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM