Kenya oo amartay xarig ka dhan ah mas'uuliyiinta gobolka Soomaalida

Image

NAIROBI, Kenya – Dacwad-oogaha Kenya, Nuuradiin Xaaji, ayaa amray in lasoo xiro gudoomiyaha Garissa, Cali Korane, iyo afar mas'uul kale oo ismaamulka kamida. Dhamaan waxay wajahayaan dacwad la xiriirta musuqmaasuq.

Nuuradiin oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa wariyey in mas'uuliyiintaan ay is-dabamariyeen 235 milyan oo lacagta Kenya ah taasoo qeyb ka ahayd deeq ka timid Baanka Aduunka loogula talogalay magaalooyinka.

Bayaanka ayuu ku caddeeyay in baaritaan ay sameeyeen ku ogaadeen in lacagtaas aan gabi ahaanba lagu maalgelin barihii loo qorsheeyay.

Kaalmada ayaa qorshuhu ahaa in lagu dhiso suuqa Qoraxey, dib-u-dayactirka waddooyinka Garissa, dhismaha bulaacado iyo derjiino.

"Mashaariicdaan waxaa lagu wadday in la fuliyo mudadii u dhaxeysay Febraayo illaa September sanadkii 2019," ayaa lagu yiri warka qoraalka.

Gudoomiye Korane oo wali aan ka jawaabin wararkaan ayaa si gaar ah waxaa loogu eedeeyay in uu fududeeyo lunsashadan dhaqaalahaan.

"Waxaan haynaa caddeymo xoojinaya dacwadeena ku saleysan Xeerka la dagaalanka musuqmaasuqa iyo Dambiyada Dhaqaalaha si lamid ah Xeerka Maamulka Maaliyadda ee 2012," ayaa lagu soo xiray warka.

Eedeysaneyaasha wehliya Korane waa; Ibraahim Nuur Maalow, madaxa maaliyada, Maxamed Axmed Cabdullaahi, hantidhowraha, Cabdi Shale, madaxa fulinta degaanka, iyo Axmed Cabdullaahi Aadan, madaxa xisaabaadka.

Gobolada ay Soomaalida ku badan tahay ee Kenya ayaa la tabiyey in uu ka jiro musuqmaasuq baahsan isla markaana mas'uuliyiinta ay danahooda gaarka ah ku fushaan lacagaha loogu soo dhiibay bulshadda dooratay ee ay metelaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM