Kenya oo codsatay in laga caawiyo qabashada rag ay ugaarsaneyso

Image

NAIROBI, Kenya – Booliska Kenya ayaa ka dalbaday dadwaynaha dalkaasi in ay ka caawiyaan xog lagu soo xiri karo saddex shaqsi oo lala xiriirinayo argagixiso.

Raggaan ayay laamaha amaanka shaaciyeen in ay ka dambeeyaan falal liddi ku ah nabad-gelyadda wadankaasi deriska la ah Soomaaliya.

Afhayeenka Booliska Kenya, Anthony Munga, ayaa soo bandhigay sawiradda raggaan oo uu xusay in aad u hubeysan yihiin.

"Raggaan waxay ku biireen kooxo jihad-aloos-yaal ah, falal argagixiso ayay qorsheynayaan, kusoo war-geli saldhiga kuugu dhow hadaad aragto," ayuu yiri.

Afhaeenka ma uusan shaacin magacyadda xubnahaasi. Si lamid ma ah ma uusan bidhaamin xoogaga ay ka tirsan yihiin.

Halista ugu way nee amaanka Kenya waxaa haatan ku haysa Al-Shabaab tan iyo markii ciidanka dalkaasi ay ku biireen howlgalka nabad-illaalinta Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa tan iyo waqtigaasi kordhisay weerarada ay ka fuliso Kenya, iyadda uu ugu dambeeyay midkii DusitD2 oo lagu dilay in ka badan 20 ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM