Kenya oo dalab ka dhan ah Al-Shabaab u gudbinaysa UN-ka

Image

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa inay dalab rasmi ah u gudbiso Qaramada Midoobey, kaasoo ay ku waydiinayso in Al-Shabaab u aqoonsato “Koox argagaxiso”.

Tallaabadan ayaa ujeedkeedu yahay in dareenka caalamka usoo weeciyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab, oo ah koox gacan-saar la leh Al-Qaacida tan iyo 2012, taasoo khal-khal ku haysa amniga Geeska Africa.

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay inay qoraal codsi ah u diri doonaan Gollaha Amaanka oo ay ku waydiisanayaan in Al-Shabaab Liiska argagaxisada lagu daro.

“Waxaan codsi diri doonaa codsi, iyadoo aad raadinayo taageeradda Imaaraadka Carabta eek u aadan qorshaha Al-Shabaab liiska argagaxisada loogu darayo,” ayuu yiri Macharia Kamau.

Mas’uulkan ayaa xusay in qaraar tirsigiisu yahay 1267 la horgeyn doono Gollaha Amaanka kaasoo hadii la meel-mariyo wax ka bedeli doono dagaalka mudada dheer lagula soo jiray Kooxda Al-Shabaab.

Macharia Kamau ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Nairobi kula qaatey wafdi ka socday dowladda Imaaraadka Carabta, kaasoo ay ku saxiixdeen heshiis ku aadan iskaashi dhinaca amniga iyo xoojinta xiriirka labada dal.

“Al-Shabaab waxay burbur xoog leh gaarsiisay dhamaan dalalka gobolka Geeska Africa, oo khatar ku hayso amaankooda, sidaasi darteeda waa in loo helaa taageero caalami ah dagaalka lagula Kooxdan,” ayuu yiri Macharia Kamau.

Mareykanka ayaa horey Al-Shabaab ugu daray Liiska Argagaxisada, waxaana uu kula jiraa dagaal uu uga dilay Kooxdan hogaamiyeyaasheedii ugu sareeyay, oo ay kamid yihiin Aadan Cayrow iyo Axmed Godane.

Kenyan ayaa qeyb ka ah howlgalka AMISOM oo la aas-aasay sanadkii 2007 kaasoo ciidamo gaaraya 22,000 [Labo iyo labaatan Kun] ugu deeqay dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia iyo Uganda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM