Kenya oo dalab ka dhan ah Al-Shabaab u gudbinaysa UN-ka

Image

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa inay dalab rasmi ah u gudbiso Qaramada Midoobey, kaasoo ay ku waydiinayso in Al-Shabaab u aqoonsato “Koox argagaxiso”.

Tallaabadan ayaa ujeedkeedu yahay in dareenka caalamka usoo weeciyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab, oo ah koox gacan-saar la leh Al-Qaacida tan iyo 2012, taasoo khal-khal ku haysa amniga Geeska Africa.

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay inay qoraal codsi ah u diri doonaan Gollaha Amaanka oo ay ku waydiisanayaan in Al-Shabaab Liiska argagaxisada lagu daro.

“Waxaan codsi diri doonaa codsi, iyadoo aad raadinayo taageeradda Imaaraadka Carabta eek u aadan qorshaha Al-Shabaab liiska argagaxisada loogu darayo,” ayuu yiri Macharia Kamau.

Mas’uulkan ayaa xusay in qaraar tirsigiisu yahay 1267 la horgeyn doono Gollaha Amaanka kaasoo hadii la meel-mariyo wax ka bedeli doono dagaalka mudada dheer lagula soo jiray Kooxda Al-Shabaab.

Macharia Kamau ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Nairobi kula qaatey wafdi ka socday dowladda Imaaraadka Carabta, kaasoo ay ku saxiixdeen heshiis ku aadan iskaashi dhinaca amniga iyo xoojinta xiriirka labada dal.

“Al-Shabaab waxay burbur xoog leh gaarsiisay dhamaan dalalka gobolka Geeska Africa, oo khatar ku hayso amaankooda, sidaasi darteeda waa in loo helaa taageero caalami ah dagaalka lagula Kooxdan,” ayuu yiri Macharia Kamau.

Mareykanka ayaa horey Al-Shabaab ugu daray Liiska Argagaxisada, waxaana uu kula jiraa dagaal uu uga dilay Kooxdan hogaamiyeyaasheedii ugu sareeyay, oo ay kamid yihiin Aadan Cayrow iyo Axmed Godane.

Kenyan ayaa qeyb ka ah howlgalka AMISOM oo la aas-aasay sanadkii 2007 kaasoo ciidamo gaaraya 22,000 [Labo iyo labaatan Kun] ugu deeqay dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia iyo Uganda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM