Kenya oo doon-dooneysa xubno "halis ah" kana tirsan Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Booliska Kenya ayaa soo bandhigay magacyadda iyo sawiradda saddex shaqsi oo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Kyalo Masai, Juma Waziri iyo Salim Mohamed Ahmed ayay laamaha ammaanka shaaciyeen in ay yihiin dagaalameyaal "halis badan leh".

Sidda laga soo xigtay bayaanka, Bileyska ayaa waydiisatay shacabka in ay lasoo wadaagaan macluumaad kasta oo la xiriirta xubnahaan.

Wargeyska Daily Nation ayaa ku waramay in saddexdooda "lagu xagjireeyay" magaaladda Mombasa iyo ismaamulka Kwale.

Warbixinta Booliska ayaa "xagjiriintooda" la xiriiryey Aboud Rogo iyo Abubakar Sharif, wadaado Muslim ah "oo kamid ahaa" Al-Shabaab.

Sirdoonka Kenya ayaa rumeysan in Rogo uu 2012-kii ku khaarijiyey duqeyn, halka Axmed uu ku jira liiska dadka la ugaarsanayo.

"Eedeysaneyaasha la tuhunsan yahay iyo kuwa kale oo Soomaaliya aadey waa kuwa khataar ah, waana baxsad," ayay tiri warbixinta bileyska.

Laamaha ammaanka Kenya ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay heegan ku jira, sababtoo ah digniino ku aadan weeraro argagixiso oo laga digay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM