Kenya oo faafisay xogta dabley ay ka dishay Al-Shabaab
NAIROBI, Kenya - Mid ka mid ah saddexdii dabley ee Al-Shabaab ee la dilay kadib isku daygii dhicisoobay ee ay ku doonayeen in ay ku burburiyaan anteenada isgaarsiinta ee Wajeer wuxuu ka shaqeyn jiray garaashka isaga oo ahaa makaanik, sida ay warisay majaladda afka dheer ee The Star oo soo xiganeysa illo wareedyo ammaan.
Hay'adaha amniga ayaa, sidda ku xusan warbixinta wargeyskan, waxay sheegeen in shaqsigan uu ku sugnaa garaashka muddo ku dhow lix bilood ka hor inta uusan ka tagin sanadkii hore.
Sarkaal sare oo ka tirsan laamaha amniga oo ka war helay waxyaabaha soo kordhay ayaa xusay in ruuxan uusan ahayn Kenyan kana soo jeedo deegaanka deriska la ah Xaawa ee Mandheera.
"Waa Mareexaan ka yimid Belad Xaawo, waana fahamsanahay inuu ka shaqeynayay garaash in muddo ah ka hor inta uusan shaqada ka tagin," ayuu yiri sarkaalka codsaday inaan la magacaabin.
Meydka latuhmanaha ayaa la ogaaday in lagu aasay qabri-gacmeed oo dhowr kiiloomitir u jira xarunta Afaat ee Wajeer halkaas oo dableyda isku dayeen in ay burburiyaan anteenada isgaarsiinta.
Saraakiisha amaanka ayaa aaminsan in maleyshiyadda ka dambeeysay aaskiisa ay ku deg degeen in ay baxsadaan iyaga oo doonayey in ciidamadda nabad-gelyadda aysan ka daba-imaan.
Meydkiisa ayaa la geeyay goobta meydadka lagu keydiyo ee degaanka si baaritaan looga sameeyo faraha si loo ogaado inuu ku lug lahaa dambiyo kale oo ka dhacay aagga.
Waxaa la rumeysan yahay inuu ugu sugnaa garaashka Wajeer howlo shaqo. Al-Shabaab ayaa horey u burburisay anteenada isgaarsiinta ee xarunta Afaat ee degaanka Tarbaj ka hor inta aan booliska lagu wargelin. Kooxo ka socda hay'addo badan ayaa loo diray aagga si ay u baacsadaan maleyshiyadda weerarka soo qaaday.
Masuuliyiintu waxay hoosta k xariiqeen in laba askari oo ka tirsan kaydka booliiska Kenya lagu dilay laba kalena lagu dhaawacay isku dhaca oo dhacay abaara 4-tii aroornimo 12-kii bishaan May. "Saddex ka mid ah xagjiriinta ayaa lagu diley hawlgalkii miinada ee ay fuliyeen saraakiisha amniga Kenya," ayay warbixinta intaas sii raacisay.
Booliska ayaa sheegay inay kooxda ka soo furteen laba qori oo AK47 ah oo ay ku jireen 10 xabadood. Horaantii 10-kii May, koox ka tirsan saraakiisha amniga ayaa ka hortagay weerar gaadmo ah oo ay Al-Shabaab ku qaadeen Lamu oo u dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya waxayna dileen laba ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday.
Taliyaha booliska ee gobolka waqooyi bari, Rono Bunei, ayaa tibaaxay in kooxdii weerarada ka gaysatay Wajeer ay adeegsadeen garneeelo laga soo tuuray xuduudka balse aysan guuleysan.
Weerarka ayaa yimid maalmo kadib markii warbixinno sirdoon ay muujiyeen in dagaalyahanada ay kusii qulqulayaan xadka ay wadaagaan deegaanada Lamu iyo Mandheera iyagoo diyaar u ah weeraro ka dhaca Kenya.
Booliska ayaa howlgalo ka waday deegaanadaasi si ay uga hortagaan qorshahooda. Al-Shabaab waxay si joogto ah u beegsataa fariisimaha ciidamadda ammaanka ee xuduudka.
Tani waxay saameyn ku yeelatay degaanadda kale gaar ahaan waaxda waxbarashada oo ku qasabtay tobanaan macallimiin ah oo aan u dhalan deegaanka inay ka cararaan gobolka waqooyi barri.
Gobolka sohdinta la wadaaga Soomaaliya ayaa wuxuu haystaa waaya-aragnimo badan oo la xiriirta weerarada soo noqnoqda ee kaga yimaada Al-Shabaab oo xilliyada taageero ka hesha shacabka.
Aaggu wuxuu ku dhow yahay xadka Soomaaliya oo ah marinka kaliya ee Al-Shabaab uga talaabto Kenya si ay qaadaan weeraro waana meesha kaliya oo ay ka baxsadaan kadib howlgalkooda.
Al-Shabaab ayaa beegsaneysa goobo ka tirsan gobolka gaar ahaan Mandheera iyo Gaarisa kadib markii ay wiiqeen fariisimaha amaanka, waxaana falalkooda ka dhasha geerida iyo dhaawac tobanaan isugu jira rayid iyo saraakiil amaan. Qaraxyada jidadka lagu aaso ayaa sidoo kale kamid ah qaababka ay ku beegsadaan ciidanka amniga.
GAROWE ONLINE