Ganacsade ceeji lagu dilay oo lala xiriiryey Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Ganacsadaha la dilay ee Somali-Mareykanka ah, Bashiir Maxamed Maxamud, ayaa ku jiray liiska dabagalka hay'adda sirdoonka Kenya sababo ku aadan in uu Soomaaliya u dirayay kana helayay lacag badan oo malaayiin doolar ah, sida ay warisay The Star.

Saraakiisha dowladda Kenya waxay sheegeen in markii ugu horreysay uu ka helay malaayiin shilin sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ka hor inta uusan dib-ugu-celin bangiyo kala duwan.

Lacagtan ayaa, sida saraakiisha ay tibaaxeen, waxaa mararka qaar lasoo marsiiyaa akoono ajnabi ah ka hor inta aysan ku dhamaan magaalada Muqdisho "taasi oo tuhun badan dhalisay".

Bashiir oo 36 jir ah ayaa la jirdilay lana ceejiyey ilaa uu dhintey, sida lagu ogaadey baaritaanka meydka. Jirkiisa waxaa ka muuqatay jirdil qoto dheer, nabaro iyo cidiyaha lagala baxay. Jirkiisa sidoo kale wuxuu lahaa calaamado gubasho ah.

Baaritaanka jirka waxaa waxaa sameeyay Johanson Oduor oo ku takhasusay cilmiga cudurada iyo labo kale oo ku xeel dheer cilmiga cudurada una doodaya qoyska iyo qareenkooda.

Saraakiisha waaxda dambi-baarista waddanka Kenya ayaa sidoo kale waxay ka qeyb-galeen baaritaanka meydadka oo ka dhacay guriga aaska Umash ee magaalada caasimadda u ah Kenya ee Nairobi.

Ilo wareedyo ka tirsan dowladda Kenya ayaa, sida ku xusan warbixinta, waxay sheegeen in Bashiir uu qaraabo la yahay madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya, sidaas darteed, uu ahaa isku-xiraha dhanka lacagta.

"Iyaddoo geerida aan lala xiriirin qadiyadda lacagta, waxaa jiray dareen ah inuu lacag geeyo magaalada Muqdisho, oo farsamo ahaan dagaal kula jirta Kenya. Waxay ahayd walaac," ayuu sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Kenya si kalsooni leh u yiri.

Warbixintadda majaladdan afka dheer ee kasoo baxda caasimadda Nairobi ayaa ku dartey "Dhammaan ilo-wareedyadu waxay ku hadleen xaalad aan la aqoonsan karin sababtoo ah xasaasiyadda mawduuca".

Bashiir, oo ah injineer dhisme iyo milkiile ka tirsan Infinity Developers oo fadhigeedu yahay Nairobi, ayaa la waayey markii uu ka tegey Miale Lounge ee Lavington, Nairobi, halkaas oo uu u aaday kulan iyo dabaaldegga Ciidul Fidriga.

"Saraakiisha dowladda Kenya waxay yiraahdeen wuxuu maalgalinayay cadow. Laakiin ma jirto wax xaqiijin ah haddii ay tani ahayd sababta dilkiisa," ayay raacisay warbixinta Jariiradda.

Kenya iyo Soomaaliya waxay isku khilaafeen arrimo waawayn oo ay ka mid yihiin ganacsiga miiraha, soohdinta badda iyo Somaliland. Xiriirkii diblomaasiyadeed waa la jaray, ka dib waxaa jiray warbixino ku saabsan dib u heshiisiin laakiin wax horumar badan ah ma muuqdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM