Kenya oo go'aan cusub ka qaadatay furida sohdinta Soomaaliya

Image
Talaabadan ayaa baalmarsan is-faham Muqdisho iyo Nairobi dhexmaray horaantii sanadkan 2024.

NAIROBI, Kenya - Kenya ayaan mar dhow dib u furi doonin xaduuda ay la wadaagto Soomaaliya, sababa la xiriira amni xumada ee ka dhalan kara arrintan, sidda uu sheegay mas'uul ka tirsan dowladda dalkaas.

Xukuumadda Nairobi ayaa si gaar ah waxa ay walaac uga muujisay in dhaqdhaqaaqa howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya uu gabaabsi yahay.

Xoghayaha arrimaha gudaha Kenya, Raymond Omollo, ayaa wareysi uu siiyay Nation Africa ku sheegay in tallaabadan ay salka ku hayso baahida loo qabo in la sugo ammaanka dhammaan goobaha laga soo galo iyo kuwa laga baxo.

“Xaalada Soomaaliya waa mid gaar ah, sababtoo ah caqabado badan ayay la soo kulmeen gaar ahaan argagixisada, laakiin marka aad eegto xuduudda dheer waxay ka dhigaysaa mid aad u adag,” ayuu yiri Dr Omollo.

Wuxuu raaciyay: "Waxaa noo qorshaysnaa, welina waxaa noo qorshaysan inaan furno dhowr meelood oo kamid ah xaduuda Soomaaliya, waxaan moodnay hadda ma jirto laakiin waanu samayn doonaa xataa anagoo tixgelinayna caqabada amni-darrada ah ee ay tallaabadani keenayso".

Dhawaqa Dr Omollo ayaa ku soo beegmaya sagaal bilood ka dib markii uu wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Kithure Kindiki, iyo dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali ay ku dhawaaqeen inay doonayaan inay dib u furaan xuduudaha.

Shaacintaas ayaa waxa ay ka dambeysay ka gadaal markii wada tashiyo heer sare ah oo ka dhacay magaala madaxda Nairobi, kaasoo soo afjari lahaa 12 sano oo xannibaad ah sohdinta ah oo bilaabmay 2011-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM