Kenya oo ka hadashay go'aanka dowladda Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay waxay si rasmi ah uga hadashay dhawaqa Khamiista maanta ah kasoo yeeray dhigeeda Soomaaliya oo ah soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Nairobi kaasoo xumaa ku dhowaad lixdii bilood ee lasoo dhaafay.

Go'aanka dowladda Soomaaliya kusoo celisay cilaaqaadka Kenya ayaa imaanaya markii Qadar ay u kala dabqaadey labada dal. Nairobi ayaa horey xiriirka ugu jarin Muqdisho. Balse Farmaajo ayaa damacsanaa in uu olole ku galo siyaasada arrimaha dibadda si uu mar kale ugu guuleysto doorashada.

Sida ay warisay majaladda The Star, wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa rajeyneysa in mas'uuliyiinta Soomaaliya ay sii dardargeliyaan talaabada soo celinta cilaaqaadka gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo isgaarsiinta.

"Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa sheegtay kadib horumarkan, in ay rajeyneyso inay sii waddo xiriirka caadiga ah ee mas'uuliyiinta Soomaalida oo ay ka mid yihiin ganacsiga, isgaarsiinta, gaadiidka, xiriirka dadweynaha iyo is-dhaafsiga dhaqanka," ayaa lagu yiri warbixinta lagu daabacay wargeyska.

Jariiradda oo soo xiganeysa war-saxaafadeed isla maanta 6-da May kasoo baxay Wasaaradda ayaa intaas ku daray "Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay qireysaa taageerada joogtada ah ee ay ka heshay beesha caalamka, gaar ahaanna dowladda Qadar oo bixisay dadaallada lagu doonayo in lagu hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya".

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ay soo celisay xiriirka diblumaasiyadeed ee Kenya. War qoraal ah oo ay soo saartey waxay Qadar uga mahadcelisay doorka wanaagsan ee arrintaasi ay ka cayaartey.

"Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la'aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha," ayaa lagu yiri warka qoraalka oo laga sii daayey warbaahinta ku hadasha afka dowlada.

Bayaanka oo sidoo kale uu warbaahinta u mariyey wasiir ku xigeenka warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay: "Madaxweynayaasha labada dal waxay Amiirka Dowladda Qatar uga abaal hayaan, ugana mahadcelinayaan dadaalkii uu ka geystay arrintan".

Bishii December 12-keeda sanadkii hore 2020 ayay Soomaaliya jartey xiriirka Kenya una yeeratay danjirihii ka joogay Nairobi isla markaana kan Kenya fartey in uu dalkiisa ula noqdo wadatashi. Muqdisho waxay cuskatay eedeymo aan la xaqiijin karin oo ah faragelinta arrimaha gudaha waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM