Kenya oo ka hadashay in DF ay wada xaajood ka galeyso dacwada badda

Image

NAIROBI, Kenya – Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay ogolaadeen wada xaajood ay ka galaan dacwadda badda ayaa waxaa ka jawaabtey xukuumada Kenya.

Macharia Kamau, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, ayay saxaafadda dalkaasi kasoo xigatay in dalkiisu soo dhaweynayo talaabadaasi balse uu su'aal geliyey in ay xaqiiqada.

Nairobi oo aad u quudareyneysa arrintan tan iyo sanadkii 2014-kii oo ay soo bilaabatay dacwadda ayaa shaaca ka qaadey in illaa iyo haatan aysan jirin war rasmi ah oo ku aadan arrintan oo so gaarey.

"Waxaynu u baahan nahay in aan hubino warkan," ayuu si cad u yiri Kamau, sidda ay baahiyeen qeyb kamid ah wargeysyadda ugu afka dheer wadankan dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadda oo ay soo baxayeen warbixino tibaaxaya in Villa Soomaaliya ay aqbashay in dacwadda badda dib loosoo celiyo ayna ogolaatay wada hadalo "shuruudo gaar ah ku xiran".

Fahfaahinada ayaa intaasi ku daraya in madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta ay bishan 13-keeda ku kulmayaan Addis Ababa, caasimada Ethiopia kadib casuumaad uu soo diray Abiy Axmed.

Inkasta oo aanan la xaqiijin hadii labada hogaamiye ay ogolaadeen marti qaadkaasi, haddana xafiiska Farmaajo ay todobaadkan qashinka ku daray sheegashooyinka ku aadan in uu is-bedelay mowqifka madaxda.

War-saxaafadeed uu xafiisku soo saarey ayaa lagu sheegay in xeer-ilaalinta ay ka shaqeynayaa diyaarinta gal-dacwadeedkooda ku aadan dacwadda badda oo dib loo dhageysan doono bisha September.

Soomaaliya ayaa dacwaddan gudbisay sanadkii 2014-kii markii ay kordheen sheegashooyinka Kenya taasi oo tan iyo xiligaasi wadday olale xoogan oo ay xukuumada Muqdisho ku cadaadineyso in ay miiska wada hadalka timaado.

Maxkamadda Caddaaladda Aduunka ee ICJ oo ay dacwadan hortaalo ayaa waxaa la rajeynayaa in dhageysiga September kadib ay guda geli doonto qiimeynta iyo go'aan ka gaaristan murankan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM