Kenya oo ka jawaabtay dhawaqa kasoo yeeray Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Dowlada Kenya ayaa ka jawaabtay dhawaqa kasoo yeeray dhigeeda Soomaaliya lana xiriiray soo celinta xiriirka diblumaasi ee labada waddan iyo isu-furida safaaradaha.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Kenya ayaa lagu soo dhaweeyay go'aankan oo xalay ay shaacisay dhigeeda xukuumada fadhigeedu yahay Muqdisho.

Nairobi ayaa hoosta ka xariiqdey in ay si weyn ugu rajo weyn tahay in ay meesha ka baxaan madmadow soo kala dhex-galay wadamadan deriska ah kuwaas oo wajahaya khatarta Al-Shabaab.

"Waxaan ka shaqeynaynayaa sidii aan dib ugu furi lahayn safaaradeena Muqdisho," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah bayaankan uu arkay warqabadka warsidaha Garowe Online ee Nairobi.

Muqdisho iyo Nairobi ayaa madaxa iskula jiray tan iyo markii uu xafiiska yimid Farmaajo kaasoo lagu eedeeyay in uu shaqsiyadeeyay siyaasadda arrimaha dibada kana tagay danaha qaranka.

Cilaaqaadka ayaa gaarey meeshii ugu hooseysay ka gedaal markii maamulka Farmaajo uu sanadkii hore 2020 uu jaray xiriirka isla markaana ku dhawaaqay go'aano hal dhinac ahaa.

Kadib faragelin ay sameysay dowladda Qadar, labada dowladood ayaa sameeyey isu-soo-dhowaanshiyo aan buurneyn wallow aan wali la dhayin dhamaan boogihii sababay in xiisaddu qaraxdo.

Hoos ka akhriso qoraalka dowlada Kenya

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM