Kenya oo ka laabatay go'aan kamida kuwa ay ku cadaadineyso Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa waxay dib uga laabatay mamnuucistii ay saartey in kaluumeysatada wadankaasi ay kasoo jilaabtan xeebaha ku dhow biyaha Soomaaliya.

Isu dhowaha gobolka xeebta ee Lamu, John Elung’ata, ayaa sheegay Jimcadii, in ammaanka aad loo adkeeyay isla markaana halkaasi loo daabulay ciidamo ka tirsan bileyska iyo milatariga.

Xukuumada Nairobi oo horaantii June xayiraada soo rogtay ayaa qiil ka dhigatay amni dari, dhoofinta dadka shacabka iyo in laga soo geliyo badeeco sharci daro ah dhanka xuduudka.

Sida la sheegay, tani ayaa ka dambeysay markii shacabka degan degaanada xeebaha ku teedsan ay ku andacoodeen in ay soo food-saartey kaluun yari.

Talaabadan ayaa sidoo kale imaaneysa xili Kenya loo doortey in ay madax ka noqoto Guddiga La Dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida, kaasi oo aas-aasan tan iyo 2009-kii.

Jagadaasi ayey Kenya ku fadhineysa muddo laba sano, sidda uu qasbo xeerka, wallow aysan ku dhawaaqi kari falal wax u dhimaya dalka ay deriska yihiin oo ay xurguf kala dhaxeyso.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, oo meesha ka saarey in ay ka banaan-baxayaan, ayaa ku nuux-nuuxsadey in aysan tani dhinac u rideyn xiisada taagan ee badda.

"Doorashadan kama dirireyno, sababtoo ah ma ahan arrin go’aan ka gaareysa dacwada hortaala Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ," ayuu wasiirka ku sheegay wareysi uu siiyey VOA-da.

Arbacadii, oo ay Maxkamada Cadaaladda Dunida ku dhawaaqday in ay dib u bilaabeyso dhageysiga kiiskan bisha September ayaa dhinacyada fartey in ay soo diraasaaan difaacooda.

Talaabada ay Kenya markii hore ku joojisay mamnuucista ka jilaabashada xeebaha Soomaaliya ayaa qeyb ka ahayd cadaadis ay saareysa xukuumada Muqdisho si dacwada ay ula soo noqoto.

Falalka kale ee ay Kenya qaadey waxaa kamid ahaa dabcinta xiriirka diblumaasiyadeed, joojinta duulimaadka tooska ee Muqdisho-Nairobi, musaafurinta mas'uuliyiin iyo xiritaanka sohdinta dhulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM