Kenya oo ka warbixisay howlgal ay fulisay kadib weerarkii baska

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa ka warbixisay howlgal ay ciidankeeda fuliyeen kadib weerarkii baska ee ismaamul goboleedka Lamu.

John Elungata, isu-duwaha howlgaladda degaanada xeebaha, ayaa shaaciyey in gulufka ay ku khaarijiyeen afar looga shakisan yahay Al-Shabaab.

Isagoo war-fidiyeenka la hadlaya, Elungata ayaa tilmaamay in sidoo kale ay nolosha ku qabteen dagaalame kale oo la tuhunsan yahay.

Sidda laga soo xigtay bileyska, weerarka baska oo dhacay subaxnimadii Khamiista maanta ah, waxaa lagu toogtay saddex qof oo rakaabka ku jiray.

Lama ogga hadii tiradda ay xukuumadda Nairobi shaacisay in ay dishay ay ahaayeen dableydii beegsatay baska Mombasa Raha.

Baska oo kasoo baxay magaala xeebeedka Mombasa ayaa kusii jeeday degaanka Lamu, oo ku dhow sohdinta Soomaaliya iyo Kenya.

Wargeyska The Star ayaa ku waramay in darawalka baska uu diidey in uu gaariga u joojiyo maleeyshiyadka, taasna ay ku qasabatay in ay rasaaseeyaan.

Bishii December, sanadkii 2019, weerar noocaan ah oo ka dhacay gobolka Wajeer ayaa lagu dilay 11 qof - sideed sarkaal boolis ah iyo saddex kale oo shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM