Kenya oo kusoo baxday xubinimada golaha ammaanka UN-ka

Image
Image

NEW YORK, US - Natiijada kama dambeysta ah ee kasoo baxday coddeynta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaaday Jabuuti iyo Kenya ee xubinimada Golaha Ammaanka ayaa goordhow lagu dhawaaqay.

Dalalka xubinta ka ah Golaha Guud oo ah 193 ayaa codkooda dhiibtay, iyaddoo la ilaalinayo kala fogaashiyaha uu Covid-19 sababay.

Sidda ku xusan natiijadda cod-bixinta, Kenya waxay heshay codad dhan 129, hala Jabuuti ay u coddeeyeen wadamo gaaraya 62.

Coddeynta ayaa ahayd ku celis maadaama wareegii koowaad ay Kenya ku fashilantay in ay hesho codad ku filan oo ay ku badiso.

Guuleystaha ayaa u baahnaa saddex meelood laba dalool oo ah wadamadda Golaha Guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Kursigan ay ku baratameen wadamada ayaa kamid ahaan shan boos oo ka banaanaa Golaha, gaar ahaan kuwa aan joogtada ahayn. Kenya ayaa bedalaysa waddanka Koonfur Afrika.

Kenya ayaa horey laba jeer xubin uga noqotay golaha, waana intii u dhaxeysay 1973-1974, halka Jabuuti ay dhankeeda hal jeer uga soo mid noqotay golaha, waana intii u dhaxeysay 1993-94.

Golaha Ammaanka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa ka kooban 15 xubnood, waxaa joogto ah Mareykanka, Shiinaha, Ruushka, Britain iyo Faransiiska, tobbanka kale waxaa sanadkiiba soo doorta Golaha Guud.

Kamid noqoshada Golaha Ammaanka ayaa fursad muhiim ah u ah wadamadda, sababtoo ah in ay ku meelmarin karaan danahooda.

Xubnaha joogtada ah ee golaha ayaa leh cod diidmo qayaxan ah oo ay ku hor istaagi karaan qaraaradda la horkeeno; xubnaha aan joogtada ahayn waxay kaliya awoodaan in ay qaraarada hor-geeyaan golahaas.

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM